|

Xaasaskii Usama Bin Laden iyo gabdho uu dhalay oo Maxkamadi xukuntay

Islamabad 02, April 2012 (Qurbejoog.com/CNN)- Maxkamad ku taala dalka Pakistan, ayaa xukuntay saddex ka mid ah xaasaskii hoggaamiyihii la dilay ee Al-Qaacida Usama Bin Laden iyo laba gabdhood oo uu dhalay.

Sida uu tebiyay Telefishanka CNN, Maxkamaddu waxay shantaa qof ku xukuntay midkiiba 45 maalmood oo xabsi guri ah, waxaana sabab looga dhigay ka dib markii ay si sharci-darro ah ugu noolaayeen dalka Pakistan.

Sida uu sheegay Mr. Amir Khalil oo ah Qareenka difaacayay xaasaskii Usama ka dhintay, Maxkamaddu waxay xukunkan ku dhawaaqday Isniintii maanta oo ay dhegaysatay kiiska lagu eedeeyay, wuxuuna Garsooraha kiiskooda qaadayay sheegay in marka ay shantaa qof xukunka xadhiga ah dhamaystaan dib loogu mastaafurin doono dalalka ay u dhasheen.

Maxkamaddu waxay sidoo kale ku xukuntay in shantaa qof midkiiba bixiyo ganaac lacageed oo dhan 10,000 kun oo Rupee-ga dalkaas ah, una dhiganta midkiiba $110, sida uu qareen Khalil sheegay. “Ganaaxaasna waxa lagu bixiyay Maxkamadda gudaheeda,” ayuu yidhi.

Waxa uu sheegay in xukunkoodu ka bilaabmayo 3-dii bishii aynu ka soo gudubnay ee March 2012, waqtigaas oo uu sheegay in ay ahayd markii caadiyan xabsiga la dhigay, wuxuuna intaa ku daray in la sii dayn doono badhtamaha bishan April.

Siday caddeeyeen masuuliyiinta Maraykanka iyo Baakistaan, saddexdaa xaas ee la xukumay ee Usama ka dhintay waxay magacyadoodu kala yihiin; Amaal Axmed Cabdifataax, Khayriya Sabar iyo Siham Sabar, kuwaasoo la hayay ilaa bishii May 2011 oo ay ciidan gaar ah oo Maraykanku leeyahay ay dileen ninkoodii, ka dib weerar ku qaadeen guriga uu degenaa hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacida, kaasoo ku yaalay magaalada Abbottabad oo aan ka fogayn caasimadda dalkaas ee Islamabad.

Sida uu Looyarka difaacayay qoyska Usama sheegay, labada gabdhood ee ilma Usama Bin Laden ee Maxkamaddu xukuntay, waxay da’doodu tahay 17 jir iyo 21 sano jir.

Qareen Amir waxa uu sheegay in aanay shantaa qof ee qoyska Usama ee la xukumay wax racfaan ah ka qaadan xukunka Maxkamaddu ku riday, waxayna xukunkooda ku qaadan doonaan magaalada Islamabad oo ay ka dhacday dhegaysiga maxkamadeed ee kiiskoodu.

Siday sheegeen warar ku dhawdhaw mid ka mid ah haweenayda uu ka geeriyooday laguna magacaabo Amal Cabdifatax, dawladda Yemen waxay muujisay sida ay u danaynayso in gabadhaas oo dalkaas u dhalatay loo ogolaado inay dalkeeda ku soo noqoto.

Amal Axmed Cabdifataax oo ka soo jeeda Yemen, waxay ahayd xaaska ugu yar ama Minyaradii u dambaysay ee Usama Bin Laden, halka labada xaas ee kale u dhasheen dalka Sucuudiga.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed