Xaasaasi: Mashruuca Farmaajo iyo Cabdiraxman Caynte ee Fursad Fund oo Hargeysa lagu qabanayo iyo Bulshada ka kacdey & Magacyada Xubnaha Iska Leh Mashruuc Lagu Waxyeelaynayo Qaranimada Somaliland
Hargaysa 07. July 2017 (SDN/QJ):- Tan iyo markii 18-kii May sannadkii 1991-kii qaranimada gooni-isu-taagga Somaliland lagaga dhawaaqay Magaalada Burco, waxa marxalado kala duwan oo waayahooda lahaa u soo taagnaa dagaal hoose iyo hagardaamooyin jihooyin kala duwani ku hawlanaayeen oo la doonayay in lagu wiiqo qaranimada iyo taabbo-galka Jamhuuriyadda Somaliland waxaana inta badan hagardaamooyinkaasi laga soo maleegayay Magaalada Muqdisho iyo maamuladeedii kala dambeeyey ee heer walba lahaa gaar ahaan dawladihii gacan ku rimiska ahaa ee dalkaasi Soomaaliya loo samaynayay laga soo bilaabo dawladdii Cabdiqaasim Salaad Xasan.
Dadaaladaasi hagardaamaynta ahaa ee Somaliland ku lidka ahaa waxa ay soo mareen maraaxil kala duwan oo mid kastaa waayihiisa lahaa iyada oo tallaabooyin kala duwan uu mar walba cadawgu soo qaadayay illaa laga soo gaadhayay dawladihii Sheekh Shariif, Xasan Sheekh Maxamuud iyo tan ugu dambaysa ee Farmaajo.
Innaga oo aan hal faallo-wareed iyo in la mid ah kusoo wada qaadan karayn dadaaladaasi cadawgu doonayay in uu dalkan ku wiiqo waxa aan si gaar ah isugu dul taagi doonaa barnaamijka la magac baxay “Is-dhex-galka Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Dhallinyarada, Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada” oo ah mashruuc muddo laga soo shaqaynayay oo qarsoodi ahaa kaasi oo la soo bilaabmay cahdigii Sheekh Shariif sidoo kalena dardar la galiyey wakhtigii Xasan Sheekh Maxamuud ku magacawnaa maamulka dalkaasi Soomaaliya.
Barnaamijkaasi oo la sheego in dalal uu Turkigu ka mid yahay ay taageero dhaqaale ku bixiyaan si gaar ahna ugu wajahan sidii Somaliland loo burburin lahaa waxa qayb ka ah barnaamijyo arrimaha Bulshada la xidhiidha oo fara badan kuwaasi oo aan mid mid isu dul taagi doono cadadyadayada soo socda balse waxa aynu maanta si gaar ah u soo qaadan doonaa mashruuc halis ku ah qaranimada Somaliland oo ay dabada ka wadaan xubno Wasiirro ka ah maamulka Muqdisho iyo qaar hore xukuumaddii Xasan Sheekh Maxamuud wasiirro miisaan leh uga soo noqday kaasi oo lagu sheegay in fursado shaqo loogu samaynayo dhallinyarada Soomaaliya oo ay imika keeneen Somaliland.
Mashruucan dhagaraysan oo lagu magacaabo FURSAD-FUND waxa uu qorshaynayaa in uu maalmaha soo socda kulan ballaadhan Hargeysa ku qabto kaasi oo ay doonayaan in ay ku daah-furaan carwo shaqo-abuuriseed (Job Fair) oo mashruucaasi ku xidhan kaasi oo hore looga daah furay caasimadda dalkaasi Soomaaliya ee Muqdisho imikana la doonayo in Hargeysa laga daah furo.
Waa Maxay Mashruuuca FURSAD-Fund, Yaase Iska Leh Mashruucan?
Mashruuca FURSAD-FUND waa mashruuc ku wajahan Bulshada oo ay ku sheegeen in uu wax ka tarayo qorshaha horumarka iyo nabadaynta Soomaaliya iyada oo bulshada dalkaasi Soomaaliya lagu wacyigelinayo in ay qayb ka noqdaan dadaalada dib u soo kabashada Soomaaliya iyo sidii dadka fursado loogu abuuri lahaa.
Waana mashruuc ay ku sheegeen in uu ka shaqaynayo Soomaaliya iyaga oo aaminsan in Somaliland ka mid tahay oo ay sidaa kaga shaqaynayaan. Xubnaha qaarkood xukuumadda Soomaaliya ka tirsan yihiin ee iska leh Mashruucan ama dabada ka riixaya waxa ay kala yihiin:
- Sheekh Bashiir Axmed Salaad- Guddoomiyaha Guddida Culimada dalkaasi Soomaaliya.
- Dr. Deeqa Maxamed
- Yuusuf Xayle Jimcaale – Xubin Baarlamanka Soomaaliya ka tirsan.
- Dr. Maryam Qaasim- Wasiirka wakhtigan ee Arrimaha Gargaarka Bani-aadamnimo ee Soomaaliya hore usoo noqotay Wasiirka Arrimaha Bulshada.
- Cabdiraxmaan Caynte- Wasiirkii Qorshaynta xukuumaddii Xasan Sheekh Maxamuud marar badana baraha bulshada hore ugu faafiyey qoraallo liddi ku ah Somaliland ahna shakhsi uu ka muuqdo nacaybka uu Somaliland u qabaa. Iyo Xubno kale oo ay ka mid yihiin Xasan Yuusuf oo ah Agaasimaha Baanka Soomaaliya, Maxamed Cumar-Boorama, Maxamed Cali Kalaay oo ah guddoomiyaha Jaamacadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Baydhaba, Sahra Kooshin iyo ugu dambayn Cabdiqaadir Xikam oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda Kismaayo.
Waxaana Mashruucan agaasime ka ah nin lagu magacaabo Deeq Maxamed oo wakhtigan ku sugan caasimadda Hargeysa una jooga hirgelinta Mashruucan dhagaraysan ee liddiga ku ah qaranimada Somaliland.
Xogo hoose oo Wargeyska FOORE helay ayaa tibaaxaya in mashruucan ay ruqsadda uu ku hawl galayo uu siiyey wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Somaliland Maxamed Ibraahim Qabo taasi oo aan la ogayn sababta ay xukuumaddu dalka ugu soo daysay mashruucan ay gadh-wadeenka ka yihiin xubnaha cunsuriyiinta ah ee qaddiyadda Somaliland cadawga ku ah xilal sarena ka haya xukuumadda Soomaaliya iyada oo aan marnaba lagu andacoon Karin in mashruucani yahay mid sama-fal balse ujeedadiisa rasmiga ahi taasi ka xeel dheer tahay.
Ujeeddooyinka iyo Himilada Mashruuca FURSAD-FUND:
Sida aannu ka soo xiganay dhukumantiga rasmiga ah ee ururka iska leh mashruucan waxa ay ujeedooyinkiisu yihiin wax ay ku sheegeen dhismaha iyo horumarinta nabadda Soomaaliya iyada oo bulshada qayb laga siinayo sidii uu dalkaasi mar kale cagihiisa isugu taagi lahaa.
Waxaana qeexda (Background) mashruucan ku cad in Soomaaliya ka soo kabanayso dagaaladii sokeeye, Budhcad badeeda iyo argagixisada waxaanu sidaa ku noqonayaa mid gabi ahaanba aan khusayn Somaliland maadaama uu ku salaysan yahay baahiyaha dalkaasi Soomaaliya ee kaliya waxa Somaliland loogu soo xishay tahay in ay u dhigaan in ay Somaliland ku qabanayaan oo ay u arkaan qayb Soomaaliya ka mid ah shirqoolkooda halista ahna ku fushadaan.
Waana nasiib darro in xukuumaddeenu ogolaato in mashruuc sidan oo kale ah oo gabo ahaanba ka hor imanaya qaranimada Somaliland ay ogolaato.
Waxaana eedda mashruucaasi dusha ka saaran yahay sidda ogolaatay iyada oo ay jiraan xubno reer Somaliland ah oo dhuuni raac ah oo mashruucan la doonayo inay kala shaqeeyaan mudada uu dalka ka socdo.
Waxaana nasiib darro in dhukumantiga mashruucaasi oo ay ku xardhan tahay (Hargeysa-Soomaaliya) lagu dhex qaybiyo gudaha Somaliland gaar ahaan caasimadda Hargeysa.
Gabogabo:
Xukuumadda iyo hay’adaha dawladda ee arrinkani khuseeyo waxa ku waajib ah in ay tallaabo adag oo sharci ah ka qaadaan iyaga oo daba gal ku samaynaya sida mashruucan dhagaraysani Somaliland ku soo galay, muwaadiniinta dalka u dhalatay ee mashruucan la doonayo in ay ka hawl galaan iyo wax kasta oo la xidhiidha mashtruucan waxaana xukuumadda ku waajib ah in ay umadda u caddayso xaqiiqooyinka mashruucaasi iyo sida uu dalka ku soo galay.
Halkan Hoose Ka Daalaco Qoraalo Muujinaya Hagar daamada Mashruucan Khatarta ku ah Jamhuuriyadda Somaliland
@FursadFund founders include political officials that fights against #Somaliland, like @Aynte.Stop them in #SL. #NoFursadFund @DeeqAfrika pic.twitter.com/kBZV3w5mBf
— Khadar Nouh (@Kadarnouh) July 4, 2017
This is the motive behind @FursadFund. Dear #Somaliland pple, are we ready to host this sort of anti-sovereignty projects? #NoFursadFund pic.twitter.com/KLCMnplgZZ
— Proud Somalilander. (@GKabadhe) July 5, 2017
#FURSADFUND Indeed you need to Focus youth in #Somalia, want job opportunity &rehabilitations.Not #Somaliland. #NoFursadFund @USAIDSomalia
— Ibrahim A. Madar (@mwacays) July 4, 2017
@FursadFund Board of Directors are the exact replica of #Somalia Federal Gov Cabinet. #NoFursadFund pic.twitter.com/It563ddsMU
— Abdirashid Jeeni (@ajeeni) July 4, 2017
#FursadFund is Integration system designed by bureaucracy gov't Of Turkey. It's unacceptable #Game #Somaliland.No need of loan in #Hargeysa pic.twitter.com/wFLVcvjY0t
— Ayanle M.Ali (@ma_ayanle) July 4, 2017