Xaalka Villa Somalia Oo Saaka Kacsan iyo Xarunta Madaxtooyada Oo Ammaankeeda La Adkeeyey
Muqdisho:Jan,04,2015(SDN/QJ)-Saaka waxa shacabka reer Muqdisho ku warheleen Xaalad dareen leh oo ka jirta Madaxtoyada, Somalia, waxana indhaha shacabka iyo kuwa diblomaasiyiintu qabanayaan ciidamo tiro badan iyo baadhitaano xarunta laga dhex wado.
Baadhintaankan saaka la arkay, ayaa laga bilaabay dhammaanba Waddooyinka Madaxtooyada agmara iyo Waddooyinka laga galo aqalka dalka looga arrimiyo, waxana baadhitaanku saameeyey xataa shaqaalaha Madaxtooyada iyo Xubnaha wasiirradaha ee Halkas soo gelaya.
Ciidamo u badan kuwa Koofi casta ah ee Milateriga ka tirsan ayaa lasoo dhoobay ilinka hore ee xarunta Madaxtooyada kuwaasi oo gaashaamaan hubka noocyadiisa kala duwan.
Sidoo kale gaadiidka ciidanka Dowladda ay leeyihiin ee Cabdi Bilaha ah ayaa ku go’an Koontaroolada laga soo galo Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, gaar ahaan Albaabka ku jeeda laamiga.
Wararka qaar ayaa sheegaya in sababta ciidamada Dowladda heeganka buuxa loo geliyay ay tahay in laga cabsi qabo weeraro loo geysto Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo xogo sirdoonka laga helay sheegeen in weerarro qorshaysani madaxtooyada kusoo fool leeyihiin.
Majirto Saraakiil Dowladda ka tirsan oo si faah-faahsan uga hadlay sababta loo adkeeyay ammaanka Madaxtooyada Soomaaliya.
Sidoo kale qof aanan wadan ID-card ama aqoonsi lagama siideynaayo Koontaroolka koowaad ee xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Weerar qorshaysan ayey dhawaan Shabaabku ku qaadeen Gudaha Guriga sida weyn loo ilaaliyo ee Xalane, waxana arrintaasi keentay shak ah inay jiraan Xubno shabaab ah oo wali xafiisyada xukuumadda kasii shaqeeya, kuwaas oo gudbiya warar ka dhan ah Ammaanka waddanka.
SDN/QJ