|

Xaalka Marka Ee Saaka Kadib Dagaalo Shalay Dhex maray Ciidamo Dawladda ka Wada Tirsan

Murka:17-Feb-2014(SDN)-Wararka Saaka ka Soo Baxaya Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa Deggen, kadib Dagaal Halkaas Shalay ku Dhex maray Ciidamo dawladda Federalka ka Wada Tirsan.

markamarkaDagaalka ciidamada Dhexmaray ayaa ahaa mid saacado badan socday, waxana ka Dhashay khasaare iskugu jira Dhimasho iyo Dhaawac labada Dhinac ah.

Guddoomiyaha magaalada Marko Maxamed Cismaan Yariisow ayaa sheegay in xaaladda magaalada ay tahay mid yara deggan kadib dagaalkii shalay, waxana uu xusay inuu si weyn iskugu hawlay sidii uu degenaanshihii iyo kala dambayntii Magaalada dib ugu soo Celin lahaa.

 

Adeegyadii bulshada oo shalay wada xayirmay ayaa saaka mar kale dib u soo laabanaya waxaana jirta in ganacsiga magaalada uu caadi yahay oo dadweynuhu si caadi ah iskugu kala gudbayaan.

 

SHacabka magaalada ku nool ayaa walaaac ka muujinaya ciidamo fara badan oo magaalada la soo buux dhaafiyay kuwaasoo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la hubo inaanay wax badan ku soo kordhin doonin habka ammaan ee Magaalada.

Magaalada Marka ayaa ka mid ah Magaalooyinka ugu deggen somalia ee aanay inta badan dhibaatooyinku ka dhicin, waxana ay arrintani ku soo Beegmaysaa xilli la Doonayo in Dagaalo cusub si wada jir ah loogu qaado Kooxaha Al-shabaab Si Somalia looga Tirtiro.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed