|

Xaaladda Caafimaad ee Murashaxa Xisbiga Dimuquraadiga Maraykanka Hillary Clinton oo Soo Wanaagsanaaneysa

Washington 15.Sep 2016 (SDN/QJ):- Dhaqtarka Hillary Clinton ayaa sheegtay in musharaxa madaxweynaha Mareykanka ee xisbiga Dimoqraadiga ay si wanaagsan uga soo kabaneyso xanuunka Oof wareenta ee ku dhacay, ayna diyaar u tahay inay noqoto madaxweynaha Mareykanka.

 

Hillary Clinton and fbiWarqad uu baahiyey ololaha Clinton, ayaa Dhaqtar Lisa Bardack waxa ay ku sheegtay in Clinton la marsiiyey computer muujiyey inay qabto jeermiska xanuunkan hase yeeshee ay soo wanaagsanaaneyso kadib markii la siiyey dawooyinka jeermiska dila, ayna qaadatay nasiino.

Clinton ayaa waxaa la filayaaa in ay maanta dib u billowdo ololaheeda doorasho kadib saddex maalmood oo ay nasaneysay.

Xanuunka Clinton ayaa soo shaac baxay 11-kii bishan kadib markii muuqaal laga duubay ayada oo ka tageysa munaasabd lagu xusuusanayey weeraradii 11-kii September, markaasi oo la arkayey ayada oo garbaha laga hayo ,islamrkaana socodka ku turan turooneysa.

 

Arrintan ayaa sii xoojisay weerarada musharaxa Donald Trump oo horey u sheegay inaysan lahayn caafimaad ay madaxweyne ku noqoto.

Comments are closed