Xaaladda Baydhabo Oo Sii Kululaatay, Hub Urursi Bilaabmay iyo Shacabka Gadoodsan Oo Maanta Ku Ballansan Inay Gudaha U Galaan Aqalka Shariif Xasan ku Jiro
Baydhaba:26-March-2014(SDN)-Sida ay sheegayaan wararka laga Helayo Xarunta Gobolka Baay ee Baydhabo, Dhinacyadii Isku Hayey Maamul u samaynta Deegaankaas ayaa si xoog ah iskugu Hub urursanaya, waxana Laga Cabsi Qabaa inay Isku Dhacaan.
Arrintan ayaa daba socota markii Shalay ciidamo ilaalo u ah Shariif Xasan Sheekh iyo xildhibaanno kale oo ku sugan Beydhabo ay toogteen wiil 15-jir oo la sheegay in uu watay calanka maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed, taas oo ka Cadhaysiisay Dadweynaha Tirada Badan ee Ka Soo Horjeeda Maamulka uu Wato Shariif Xasan.
Wiilka ayaa la sheegay in uu dhaawacmay, wuxuuna ka mid yahay dadweyne fara badan oo maalintii Afraad dibadbaxyo rabshado wata ka dhigaya magaalada Beydhabo gaar ahaan hooyga uu deggan yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku howlan dhismaha maamul cusub oo ka kooban Saddex gobal.
Labada dhinac ayaa la sheegay in mid kasta uu u diyaar garoobay dagaal uu ku difaaco maamulkiisa, waxaana shacabka magaalada ay ka cabsi qabaan In dagaalladaas ay ku wax yeeloobaan.
Dhinaca kale, waxaa socda kulamo looga gun lee yahay siddii loo qaboojin lahaa xiisada ka taagan Beydhabo oo ka dhalatay markii xildhibaanno uu ka mid yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan ay tageen Laba maalin ka hor magaaladaas si ay u dhisaan maamul ka kooban seddax gobal.
Xildhibannada ku sugan Beydhabo ayaa la doonayaa in ay dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho balse waa ay diiddan yihiin in ay dib ugu laabtaan Muqdisho iyagoona ku adkeysanaya in ay meel marin doonaan qorshaha ay u yimadeen Beydhabo.
Dadka Shacabka ah ee Dibad Baxa wada ayaa Maalintii shalay ku Ballamay Haddii Shariif iyo Kooxdiisu Noqon weydo inay Gudaha u Geli dooonaan Guriga ay ku Jiraan, taas oo Keentay inuu Shariif Ilaaladiisa sii Xoojiyo, waxana Maanta laga Warwarsan yahay inuu isku Dhacu noqdo mid khasaare Keena.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com