Xaaladda Banka Qool-cadey Oo Maanta Degan iyo Doorkii Suldaan Cumar iyo Guddoomiye Xassan Yuusuf
Hargeysa, 24,4,2016 (QJ/SDN) – Xaaladda deegaanka Banka Qool-cadey ayaa maanta ah mid degan, kaddib wada-hadal shalay dhex maray shacabkii gadoodsanaa iyo xukuumadda Somaliland.
Xaaladda Banka ayaa maanta ah mid aad u wanaagsan iyadoona wararkii u danbeeyay ay sheegayaan in halkaasi uu maanta ka furmay shir saddex geesood ah oo u dhaxeeya xukuumadda, dadka shacabka ah iyo madax-dhaqmeedka.
Shirkan ayaa la sheegay in lagu lafa guri doono sidii xal loogu heli lahaa xaaladda cakiran ee Banka Qool-cadey, iyadoona dhinacyadii halkaasi ku kala sugnaa ay kala sameysteen guddiyo matasha oo uga qayb-gasha shirkan.
Wada-hadaladan iyo nabadgelyada halkaasi ka dhalatay ayaa waxa door muuqda oo firfircoon ka qaatay Suldaanka guud ee beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed oo ay dadka deegaanku si wayn ugu ammaaneen doorka suldaanimo ee uu ka ciyaaray shaqaaqadii shalay ka dhacday halkaasi, isagoona ugu danbeyntii ku guulaystay in uu is hor keeno labada dhinac ee halkaasi ku dagaallamay [xukuumadda iyo shacabka].
Suldaan Cumar ayaa shalay galab illaa Maanta si wayn uga hawl-galay xiisadda banka Qool-cadey, isagoona Suldaanku canaan iyo talooyin waayeelnimo usoo jeediyay labadii dhinac ee shalay halkaasi ku dagaallamay, gaar ahaanna si wayn ula hadlay xukuumadda oo uu sheegay in aanay si fiican u wajahin doorkii ay ku lahayd banka iyo Wecyigelintii loo sameyn lahaa dadka deegaanka.
‘’Dhulka waa la kala ootay oo nin weliba meel ayuu leeyahay aniga ayaa leh oo illaahay malaha, intanaa dadkii manaafacaadkeedii ay comman ku noqdeen oo ay wadaagayaan oo ay wada leeyihiin, intii dowladdu waxay qorshaysay in ay ka sameyso seero oo ay seerihii kusoo celiso,Fikirku ma xuma, waxa ka horreeya in qaladaadka kale la saxo horta,.’’ Ayuu yidhi Suldaan Cumar Suldaan Maxamed shalay goobta kula hadlay warbaahinta.
Dhanka kale, waxa isaguna halkaasi si wayn uga hawl-galay Guddoomiyaha guddida Talo-wadaag [Guddoomiyaha Guddida beelaha Abokor Muuse], mudane Xassan Yuusuf Ismaaciil, isagoona guddoomiye Xassan Yuusuf uu xalay illaa maanta uu iskaga dab qaadayay labada dhinac ee xukuumadda iyo shacabkii gadoodsanaa ee shalay halkaasi ku dagaallmay.
Guddoomiye Xassan Yuusuf ayaa door aad u wayn ka ciyaaray nabad kusoo dabbaalida deegaanka banka Qool-cadey iyo wada-hadalka halkaasi ka bilowday maanta.
Ugu danbeyntii, xaaladda banka Qoolcadey ayaa maanta ah mid degan iyadoona halkaasi uu ka furmay shir saddex geesood ah oo ku saabsan sidii xiisadda loo dejin lahaa.