Xaaladd Kacsanaan Ah Oo Ka Taagan Deegaanka Moqokori oo Alshabaab Ka taliyaan
Baladweyne,21july,2015(QJ/SDN)-Wararka laga helayo Deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan oo ka mid ah Saldhigyada ugu Waaweyn ee Xarakada Al-shabaab ay ku Leeyihiin Gobolka Hiiraan ayaa la sheegaya in Caawa ay halkaas ka jirto xaalad kacsanaan ah, kaddib markii ay ku dhawaadeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Gacan ka Helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.
Ruux ku Sugan Deegaanka Moqokori oo la la hadlay warbaahinta HiiranOnline waxaa uu sheegay in dagaalyahannadii Al-shabaab halkaa isaga baxeen, inkastoo wali aanay gudaha u gallin ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Illaa hadda ma jiraan wax war ah oo kasoo baxaya deeganadaasi.
Wixii warar ah kala soco halkan: QJ/SDN