|

Xaalada uu Ku Sugan yahay Weriyihii Maanta lagu dhaawacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho 12.Oct 2014 (SDN/QJ)- Waxaa maanta Kooxo Hubeesan oo gaari watay ay ku rasaas culus huwiyeen Wariye Cabdi Risaaq Jaamac Cilmi(Black) oo ahaa Agaasimaha Tv-ga Soomaali Chanel Xafiiskeeda Muqdisho sidoo kale kamid ahaa Wariyaasha Tv-gaasi warka u tabiya.

 

black_4Mid kamid ah Shaqaalaha Tv-ga Soomaali Chanel ayaa noo xaqiijiyay in Wariye C/Risaaq Black isaga iyo nin ay saaxiib yihiin oo ka shaqeeya Jaacamada Soomaaliya Rasaas culus lagu furay xili ay horfadhiyeen Guriga Wariyaha oo kuyaala agagaarka Isgooska Black Sea.

 

Kooxihii hubeesnaa oo gaari watay ayaa goobta isaga baxsaday , waxaana Rasaasta raga hubeesan fureen ka dhasahay dhawacyo culus oo soo gaaray Wariye Cabdi Risaaq Black iyo Maxamed Yuusuf oo kamid ahaa Howlwadeenada Jaamacada Soomaaliya.

 

black_2Dhaawaca Wariye Black oo lagu daweenayo Isbitaalka Madiina ayaa lagu sameeyay qaliin , waxaana hada xaalada Wariyaha ay tahay mid soo hagaageysa iyadoona dhaqaatiirta ay ku dadaalayaan badbaadinta Wariyahan la dhaawacay.

 

Weriyayaal yaabanWariyaal iyo Asxaab badan ayaa buux dhaafiyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho , waxa ayna Wariyaasha iyo Asxaabta kale ee taqaanayay Wariye Black ilaah uga baryeen in caafimaad deg deg ah siiyo.

 

Dilka Wariyaha Waa mid dhaqan u ahayd Alshabaab .

Comments are closed