|

Xaalada Suuriya oo ka sii dareysa iyo ururka Human Rights Watch oo canbaareysay xukuumada dalakaasi

New York Mar 13,2012(SDN)-Hay’ada xuquuqda  aadamaha ee lagu  magacaabo Human Right  Watch  ee fadhigeedu  yahay   magaalada New York , ayaa maanta ku eedeysay ciidamada  qaranka  ee Suuriya in ay  miinooyin dhigaan wadooyinka ay dadka soo  qaxaya dalkaasi uga  gudbaan Lubnaan iyo  wadanka Tukriga .

Hayadu  waxa kale oo ay sheegtay  in ay  hayso cadaymo  sheegaya in ciidamada Suuriya  dhigayaan miinooyin  wadooyinka , iyadoo ay soo gaadheen dalka Lubnaan iyo Turkiga dad dhaawac ah oo ay miinooyinkaasi ku qarxeen , iyadoo uga  jeeda  xukuumad Suuriya in ay joojiso  dadka lafahooda uga cararaya dagaalada  ka socda dalka oo lagu qiyaasay ilaa laba boqol oo kun  in ay ka qaxeen dalkaasi , sida ay sheegtay qaramada midooday .

Dhinaca kale , xoghayihii  hore  ee  qaramada midoowday Mr.  Koofi  Anaan oo ah ergayga loo igmaday xal u helida dalka  Suuriya  ayaa  kula kulmay  madax ka socota  mucaaridka  Suuriya  dalka  Tukriga , isagoo  kale hadlaya sidii xabadda loo joojin lahaa , wado hadal siyaasadeedna loo bilaabi lahaa .

Mr. Koofi  waxa  uu kulankaasi ka dib sheegay  in uu  ka filayo in ay  xukuumada  Suuriya  jawaab ka bixiso arimaha uu soo bandhigay maalintii sabtidii ee booqashada ku tagay dalkaasi .

 SDN-New York

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed