Xaalada Magaaladda Laascaanood oo Degen & Maamulka Gobolka Sool Iyo Laamaha Amaanka oo Weli aan Ku Guulaysan Soo Qabashada Dablay Weerar Qorshaysan ka Geystay Magaaladaasi.
Laascaanood 04. February 2017 (SDN/QJ):- Xarunta Gobolka Sool ee Magaaladda Laascaanood waxaa Ku Soo Noq Noqday Dhacdooyin Shirqoolo ah oo Lagu Dhaawacay Sadex Ruux oo ka mid ah Shacabka Magaaladaasi Kuwaas oo dablaydu ku dhaawaceen Baaskoolado ay ku Hubaysnaayeen,Xiliga uu falkani dhacay ayaa ahaa Xili laga soo baxay Salaadii Makhrib Iyadoo Kooxdii Falkan gaysatay ay Toos u galeen Gudaha Magaaladda,Ciidamadda Amaanka Gaar ahaan Ciidanka Booliska Ayaan ku Guulaysan soo qabashada Gacan Ku dhiiglayaasha iyagoo Xusay inay Ku raad Joogaan Sidii loo soo qaban lahaa dablaydaas inkasta oo ay Cadeeyeen inaanay Aqoonsan Dablaydaasi iyo Waxa ay Yihiin toona.
Sidoo Kale Deegaanka Kala baydh Meel u dhow ayaa waxaa ka dhacay Fal lagu Khaarajiyey Hal nin Kaas oo loo aaneeyay Dilkiisa Mid Xidhiidh la leh Shaqaaqada u dhaxaysa Laba Beelood oo wada Dega Koonfurta Gobolka Sool.
Si kastaba ha ahaate Dhacdooyinka Dilka ah iyo Weeraradda Qorshaysan ayaa ku Soo Badanaya Gobolka Sool iyo Xarunta Gobolkaas ee Laascaanood Waxaana adag Sida ay Laamaha amaanku Gacan ugu soo dhigaan kuwa ka danbeeya Falalkan lagu wiiqayo Nabadgalyada Gobolka iyo Ta Magaaladaas oo hadii ay sii socoto Saamayn ku Yeelanaysa Nabada Gobolka,Sidoo Kale Xukuumadda Somaliland ayaa looga Fadhiyaa inay Jawaab waafi ah ka bixiso falalkan soo noqnoqday ee deriska la noqotay Bulshada Gobolkaas.