“Xaalada Deegaanada Waqooyiga Ka Soo Korodhay Waxaa Hurinaysa Xukuumadda’’ Xamarje DAAWO
Gebilay 05.Sep 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Maroodijeex Axmed X.Cumar Xamarje haatana ka Mid ah Saraakiisha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa si adag u dhaliilay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo uu Sheegay inay Iyadu Hurinayso Xaalada haatan ka taagan Deegaanada Waqooyiga ee Ku Saabsan Sidii Looga qaban lahaa Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Lix Deegaan oo Muran ka taagan yahay Gobolka ay raacayaan.