Xaalada Cakiran ee Xisbiga Ucid ku Sugan yahay, Iyo Waan Waan dhinaca Dhaqanka ah oo la rajaynayo inay dabiib u noqoto Khilaafka Xisbigaas
Hargaysa 02.Dec 2015 (SDN/QJ):- Khilaafka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa maraya meeshii ugu saraysay abid intii xibsigani jiray inkasta oo laga yaabo in maalmaha iyo todobaadyada soo socda ay xaaladu sidan ka sii darto ama ay ka soo rayso,hadii aan la helin Xal Garawshiiyo keena.
Khilaafkan ayaa u dhexeeya Guddoomiyaha Xisbiga Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen Murashaxa Madaxwayne ee xisbiga oo gadaal kaga soo biiray xisbiga halka uu faysal yahay aasaasaha xisbiga, waxaana khilaafkani ku salaysan yahay murashaxnimada Jamaal oo muran gashay ka dib markii uu guddoomiyaha Xisbigu sheegay in dib la isku qiimaynayo.
Hadaba khilaafkan ayaa ugu dambayn u gudbay salaadiinta iyo madax-dhaqameedka labadan dhinaca ka dib markii uu Jamaal Cali Xuseen odayaasha Faysal ka dalbaday inay dhex-dhexaadiyaan.
Murashax Jamaal oo ka hadlayay Sidii uu ku Galay Xisbiga Ucid ayaa sheegay in Duqay ka socotay Beeshiisa iyo Beesha Gudoomiyuhu ay Wada hadalkooda Gadhwadeen ka ahaayeen ““ Odayaashaydu waxay yidhaahdeen Faysal waxaanu uga baahannahay xadhigiisii, markaa Faysal odayaashiisii dhaqanka ayuu soo kaxaystay, waan maqlayay cisho dhaweyd isagoo leh Salaadiinta Jamaal soo kaxaysanayaan maxay iga qaadiye laakiin Salaadiintaasi iyo Odayaasha Xaaji Cabdiwaraabe iyo Suldaan Maxamed Cabdiqaadir ugu horeeyo waa raggii uu soo kaxaystay Faysal ee nagu qancinayay inaanu wax la galo Faysal. Markaa odayaashii xagayga ka socday waxay yidhaahdeen ilaa aanu Faysal odayaashiisa aragno ku taageeri mayno oo heshiis dhici maayo sababtoo ah Faysal ayay calaamatul su’aal xilligaasi saarnayd,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Hase yeeshee Faysal Cali Waraabe ayaa Tilmaamay in Mudooyinkii u danbeeyay uu Maqlayay hadal hayn ku saabsan in Xal Dhaqan Khilaafka Ucid lagu eego Waxaanu ku Gacan saydhay in Salaadiintu aanay soo farogelin Karin arrimaha Xisbigiisa Sida uu hadalka u dhigay ““Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Sandaladiisa kuma doonto anigana siyaasaddaha xisbigayga iguma soo doonan karo laakiin, Jamaal way lugoynayaan Odayaasha u tagay ee qaadka kaga cunaya Faysal baanu qabanaynaa, xeer ay igu qaban karaan ma jiro, markaa halaga qayilee iska daa, dadku qaad bay jecel yihiine”
Geesta Jamaal Cali Xuseen Iyo Faysal Cali Waraabe ayaa hadalo iskhilaafan ka soo saaray tacabka Jamaal kaga baxay xisbiga waxaana uu Jamaal sheegay inay kaga baxday lacag boqolaal kun oo dollar ah halka Faysal-na uu sheegay inaanu wax tacab ah Jamaal Xisbiga galin, dooda labada dhinac ayaa sidan ah:
Jamaal: “Musharaxiinta lacag baa laga bixinayay iyagoo kun iyo dheeraad ah, dabeed waxay yidhaahdeen haddaanu ururku naga bixinayn ee urur ba ma tihidin, dabeed way nagu kaliftay inaanu jeebkayaga ka bixinno. Lacag ilaa Boqol iyo sideetan kun (180,000 dollar gaadhaysa oo fiigii musharaxiinta ah ayaanu ka bixinay oo Faysal shilin kumuu darsan, musharaxiintiina anagaa keenay,” waxaana uu intaasi raaciyey “Ololaha doorashada maalinta kaliya ee la isku soo baxo Konton kun oo dollar ayaa naga bixi jiray oo aanu jeebkayaga ka bixinaynay. Markaa xisbiga Ucid anagaa maal iyo muruqba galinay oo ilaa Galbeed iyo ilaa Bari ragga gooshayay ee tagayay anagaanu ahayn ee guddoomiyaha muu ahayn.dadka musharaxiinta ahaa ee golaha degaanka ku tartamayay nin walba anagaa gurigiisa ku garaacnay oo keenay. Anaga magacayaga, sharaftayada iyo karaamadaya ayuu ku imanayay musharaxu,” ayuu yidhi Jamaal.
Faysal: “Ninkan(Jamaal) waanu sharafnay, saddex sanno ka hor ayaanu nidhi musharax baad tahay, wax allaale wax uu soo kordhiyay ma jirto, markaa xisbigu wuu eegayaa, maaha inta la yidhaa musharax baan ahay, dee facebook la iskama sharaxo ee xisbigu wuxuu u baahan yahay tacab, tacab uu galiyayna ma jiro, markaa waanu qiimaynaynaa xisbiga, qof kastana waa la qiimaynayaa,” ayuu yidhi Eng Faysal.