|

Xaalada Baydhaba oo Baaxaadagaysa Duqayda Dhaqanka oo ku Baaqay Ilaalinta amniga rabshadihii Shalay dhacay awgeed

Baydhaba 24.March 2014 (SDN)- Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda gobollada Baay iyo Bakool ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta isku khilaafsan maamul u sameynta gobolladaas inay ka fogaadaan wax walba oo keeni kara isku dhac hubeysan.

BaydhabaMalaaq Shiino Nuur oo la hadlay Warfidiyeenka  ayaa sheegay in la billaabay waan-waan la doonayo in la isku fahamsiiyo siyaasiyiinta, lagana fogaado in rabshado la mid ah kuwii shalay ka dhacay Baydhabo ay soo laabtaan.

Malaaqa Shiino ayaa sheegay in aan la aqbali karin in dagaallo hubeysan ay iminka ka dhacaan gudaha Baydhabo, oo ay dadka ku nool billaabaan horumarinta goobaha adeegga dadweynaha.

Labo qof ayaa ku dhaawacantay is-rasaaseyn shalay Baydhabo ku dhex martay kooxo hubaysan oo kala taageersan siyaasiyiinta doonaya in la sameeyo maamul saddex gobol ka kooban iyo kuwa dhowaan ku dhawaaqay dhismaha maamul goboleed ka kooban lix gobol oo ay ku jiraan Jubbooyinka iyo Gedo.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan aqoonsaneen maamulka lixda gobol ee looga dhawaaqay Baydhabo.

Geesta Kalena Xaalad kacsan ayaa la soo sheegayaa inay ka jirto magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo oo ilaa Shalay uu ka dhacayay dibadbax rabshado watay.

Warfidiyeenada  gobolka Baay ayaa soo sheegay in dibadbax  in Goobihii ganacsiga ee magaalada iyo isu-socodkii dadweynaha ay hakad-galeen , iyadoo ay magaalada ka jirto xiisad kacsan.

Baydhaba SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed