Xaalada Abaarta ka Jirta Gobolka Salal Oo Gaadhay Heer ba’an Oo Dadku Haraad Iyo Gaajo u Dhintaan DAAWO
Hargaysa 20.March 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland mudane Axmed Daahir oo ka soo jeeda Gobolka Salal ayaa si adag uga hadlay xaalada gobolkaasi iyo heerka abaarta ee ka jirta, waxaanu sheegay in heerka abaartu gaadhay in dadku ay u dhintaan, sidaasi awgeedna waxa uu baaq qaylo dhaan ah u diray dawlada iyo bulshada Somaliland.