|

Xaalad Deg Deg ah oo Lagu soo Rogay Dalka Japan Baqdin laga qabo in Kuuriyada Waqooyi ay Gantaal Cusub Tijaabiso

Japan 28. July 2017 (SDN/QJ):- Wadanka Japan Waxaa Lagaga Dhawaaqay Xaalad Degdeg Ah Iyadoo Uu Soo Baxayo Tuhun Ku Saabsan In Kuuriyada Waqooyi Ay Tijaabinayso Gantaal Cusub Oo Kuwa Ridada Dheer Ah .

Tijaabadaas Oo Ay Ku Soo Beegayso Munaasabada Heshiiskii Lagu Joojiyey Dagaalkii Labada Kuuriya Ee Socday Intii U Dhexaysay Sanadihii 1950 Ilaa 1953.


Wakaalada Wararka Dalka Japan Ee Kiyooto Oo Soo Xiganaysay Sarkaal U Dhsahay Wadankaasi Waxa Ay Sheegtay In Jaban Ay Haatan Isu Duwayso Warbixinaha Iyo Macluumaadka Dhanka Sirdoonka Si Loogu Diyaargaroobo Xaalad Kasta Oo Ku Soo Kordhi Karta Gobolka.
Sarkaalka Reer Japan Waxa Kale Oo Uu Sheegay In Wadankiisu Iskaashi Kala Samaynayo Dalalka Maraykanka Iyo Kuuriyada Koonfureed Ururinta Iyo Is Dhaafsiga Xogaha Ku Saabsan Dawlada Waqooyiga Kuuriya Oo Iyadu Caado Ka Dhigatay Inay Munaasabadaha Badankooda Tijaabiso Gantaalo Kala Duwan.

Comments are closed