|

Xaalad Caafimaad oo ka Taagan Degmada Balli Gubadle kadib Markii Shinbiro Badani Baraago ku Bakhtiyeen

Bali Gubadle 10.Aug (SDN) Maayarka Degmada Baligubadle Cabdi Iimaan Jaamac(Guray) ayaa ka dayriyay waxyeelada caafimaad ee ka  dhalan karta shimbiro ku bakhtiyay baraagaha  Biyaha ee duleedka magaalada bali gubale.

Waxaa Maalmihii u danbeeyay Jiida degmadaasi lagu arkayay  shimbirahan oo u socda raxan raxan oo ku dagayay biyaha baraagahaas iyaga  oo muddo ka dibna ku dhex bakhtiyabiyaha baraagahaas, waxaana   maayarka degmada bali gubadle  maanta kormeer uu ugu kuurgalayo ku soo maray baraagahaas oo ku yaala duleedka magaalad bali gubadle oo dadka iyo duunyaduba ka cabaan.

Maayarka degmada bali gubadle oo kormeerkiisa ay ku weheliyaan qaar kamid ah xildhibaanada Golaha degaanka ee magaaalada baligubadle ayaa u jeediyay wasaaradaha caafimaadka iyo xanaanada xoolaha in ay degmada la soo gaadhaan gurmad  caafimaadf oo ay ugu kuurgalayaan  saamaynta caafimaad ee  kadhalan karta  shimbirahaas ku bakhtiyay goobihii biyaha laga cabayay.

Dhanka kalana maayarka degmada bali gubadle cabdi iimaan jaamac (guray) waxa uu kormeerkiisan kusoo maray dhismaha xarunta wasaarada maaliyada oo maanta  lkaga bilaabay magaalada as waxaana wasiirka maaliyada iyo xukuumadaba uu uga mahadnaqay dadaalkooda ku wajahan horumarinta Gobolka.

Balli Gubadle SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed