Xaalad Biyo La’aaneed oo ka taagan deegaanadii lagu dagaalamay ee gobolka Nugaal DHAGAYSO
Eyl 18.March 2016 (SDN/QJ):- Deegaano hoostaga degmada Eyl ee gobolka Nugaal laga soo sheegayaa inuu ka dhacay Shalay galab dagaal goos goos ah kaas oo ah mid aan sidaasi u waynayn sida ay sheegaayaan dadka degaanka Suuj oo hoos taga degmada dangaroyo ee gobolka Nugaal.
Qaar kamid ah dadka reer guuraaga ah ayaa sheegay in xiligan ay biyo la’aan ka taagan tahay degaankaasi waxaana ay sheegeen dadku in biyo la’aantaasi ay la wadaageen dadkii ka qaxay dagaalka u dhexeeya ciidamada Puntland iyo Ciidamo ay la dagaalayso.
Cibaado Cismaan Yuusuf oo kamid ah dadka deegaanka Suuj ayaa sheegtay in dagaalkaasi uu hada ka socdo inta u dhaxaysa Suuj iyo Garmaal oo kala tirsan degmooyinka Eyl iyo Dangaroyo gobolka Nugaal.
Cibaado ayaa dawlada Puntland waxay ka codsatay in gar gaar biyo oo deg deg ah la la soo gaaro dadka reer guuraaga ah ee ka agdhow deegaanka lagu dagaalayo oo maalintii labaad xooloha ay biyo la’aan yihiin haraadna ay la liitaan sida ay sheegtay cibaado.
Cibaado Cismaan Yuusuf ayaa sheegtay inay xaalada deegaanadaasi ay xiligan tahay mid aad u xun dadkiina ay isaga qaxeen qaybo kamid ah deegaanadaasi hadana ay ku wajahanyihiin meel aan biyo iyo baad midna lahayn sida ay sheegtay.
Dagaalada u dhexeeya Ciidamada dawlada Puntland iyo ciidamo ay sheegtay inay ka tirsanyihiin Al-Shabaab ayeysan jirin cid si rasmi ah u sheegtay khasaaraha dagaalkaasi oo dhinacyada dagaalaya ah waxaana wararku shagayaan in xiligan deegaanadii lagu dagaalay ay xaaladoodu tahay mid degen walow ay ciidamadii is hor fadhiyaan sida ay sheegeen dadka deegaankaasi.