Xaaji Cabdi Waraabe: ‘’Waxaad Moodaa in Suldaankii shaqo noqday’’
Hargeysa (QJ/SDN – Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe) ayaa sheegay in karaamadii Madaxdhaqameedka loo bedelay shaqo, oo waajibkii iyo doorkii ay Sallaadiintu lahaayeen aan sidii la rabay looga soo bixin, waxa kale oo uu ka hadlay Abaarta baahsan ee dalka ka jirta.
Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe) ayaa mar uu ka hadlaayey amuurtaasi isagoo wareysi siiyay Wargeyska magaalada Hargeysa kasoo baxa ee Geeska Afrika ayaa waxa uu yidhi;
“Salaadinta, Cuqaasha iyo Madax-dhaqameedka karamadii , magacii iyo maamuskii ay laayeen, intooda badan waa laga qaaday, oo hawlihii dhaqanka ee ay hayeen waa laga leexiyey, waxaad mooda in Suldaankii shaqo noqday, oo shaqo lagu shaqaysto laga dhigtay, maxaa yeelay mar walba waatan la is garab yaacayo, oo Saldanadihii la iska dhinac sameeynayo, oo maalin walba Suldaan, laga dhinaca sameeynayo Suldaan kale, markaas waxa aan leeyahay magacii iyo maamuskii ay Saldanada iyo Salaadiintu lahaayeen dib ha loo soo celiyo”.
Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe) ayaa mar uu ka hadlaayey Abaarta ayaa yidhi
“Markii hore ayey eekayd in la hakiyo Diwaangelinta, laakiin haddii ay Abaartu daba dheeraatay oo roobkii la filayey aanu wali curan, in dib loo riixo Diiwaangelinta waan bogaadinayaa, Madaxweynahana waan ku bogaadinayaa, waana ku talinayaa dadka abaaruhu hayaan gurmad deg deg ah ha lala gaadho, oo ha la caawiyo, ILLAAHAYNA waxa aan ka baryeynaa inuu inoo naxariisto, oo abaartan inaga dulqaado, roob iyo raxmaadna inoogu bedelo.”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Xildhibaan Xaaji Cabdi Waraabe.