Xaaji Cabdi Waraabe oo Ka Digay Cawaaqibka uu Yeelan Doono Shir la Sheegay inay Wada Jir u qabanayaan Beelaha Galbeedka Burco Iyo Koonfurta Hargaysa DAAWO
Hargeysa 18.July 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Mudooyinkii u danbeeyay Caasimada dalka ee Hargaysa ka Socday Shir ay Qabanqaabadiisa dabada ka riixayaan Siyaasiyiin Miisaan Culus ku Leh Saaxada Siyaasada Somaliland oo ka soo Kala Jeeda Beelaha Walaalaha ah ee Dega Galbeedka Burco iyo Koonfurta Hargaysa.
Siyaasiyiinta Shirkan wada waxaa ka mid ah Siyaasi Ismaaciil Hure Buubaa, Coranayl Axmed Mire Maxamed,Aqoon yahan Cali Ibraahin “Sanyare” iyo Hal door kale.
” Shirka Ka Dhacay Masallahu Daw Maaha, Ragga Abaabulayana Waxaan Leeyahay Ka Noqda, Shicibkana Waxaan Leeyahay Dhag Ha U Dhigina ” Xildhibaan Xaaji Cabdi Waraabe oo ka digey shir lagu Qabanayo Gobolka Sanaag