|

XAAJI CABDI WARAABE: “Buuq iyo isqabsi uma baahnin, Jamaal iyo Faysalna waxa aan farayaa dardaaran odaynimo’’

Hargeysa (QJ/SDN) – Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ahna oday ruug cadaa nabadeed ah oo ay Somaliland leedahay,  ayaa dardaraan iyo talo u soo jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigaas Jamaal Cali Xuseen, oo khilaaf soo kala dhexgalay, warbaahintana dhaliilo isku weydaarsaday, waxaanu u soo jeediyay waano, isaga oo kula taliyey inay heshiiyaan, soona afjaraana khilaafkooda.

xaajiga

Xaajiga oo ugu horayn ka hadlaya qaddiyadda Faysal iyo Jamaal wuxuu yidhi;

“Buuq iyo isqabsi uma baahnin, Jamaal iyo Faysalna waxa aan farayaa dardaaran odaynimo, talo guurtinimo iyo waano waayeelnimo, waxa aan leeyahay buuqa joojiyo, khilaafka iyo hadalada aan loo baahnayn ee aad is weydaarsanaysaan joojiya, heshiiya, oo isa saamaxa, isku laab xaadhnaada,dantiinu meel ha wada ahaato, masuuliyiinta Xisbiga UCID ayaad tihiin,Siyaasiyiintii dalka ayaad tihiin, markaas idinku is qabsataan maanta dadka kalena hadalkoodaba daa, khilaafkaas ha ku kala tagina, khilaafkaas Xisbiga ha ku burburinana, ee markasta dantiinu isku meel ha ahaato”Sidaas ayuu yidhi Xaaji Cabdi Waraabe

Comments are closed