Xaafidul-Qur’aan U dhashay Soomaaliya Oo Kaalin Sare ka galay Tartanka Qur’aan-Akhriska Oo lagu Qabtay Sacuudiga
Riyadh,13Nov,2015(QJ/SDN)-Wareegii 37-aad ee Tartanka Akhrinta Qur’aanka Kariimka ee ka socday Masjidka Barakaysan ee Maka Al-mukarama ayaa la soo gebagebeeyey.
Tartankaasi oo ay ka qeyb galeen 124 Tartame oo ka kala socday 60-Waddan ayaa waxaa sannadkiiba mar lagu qabtaa dalka Sacuudiga.
Tartamayaasha Qeybta Koowaad ee Tartankan waxaa ku kala guuleystay:
Kaalinta Koowaad Tartame u dhashay dalka Algeria oo lagu magacaabo Cabdillaahi Mustad Caraybi, waxaana la siiyey Abaalmarin Lacageed oo dhan 120,000 oo Riyaaka Sacuudiga.
Kaalinta Labaad waxaa galay Tartame Maxamed Dokow oo u dhashay dalka Nigeria, waxaana lagu abaalmariyey lacag dhan 100,000 oo Riyaalka Sacuudiga.
Kaalinta Saddexaad waxaa galay Tartame u dhashay Soomaaliya oo lagu magacaabo Cabdinaasir Maxamed Yusuuf, kaasi oo lagu abaalmariyey lacag dhan 80,000 oo Riyaalka Sacuudiga.
Dhanka kale, waxa xusid mudan inuu Tartankaasi ka qeyb galay wiil yar oo Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdisamad Bin Omar Maxamed oo 8-jir ah, kaasi oo Xaafidul-qur’aan ah, Maasha Allaah.
Guddiga Musaabqadda waxay sheegeen inuu Rabbi u sahlay Cabdisamad Bin Omar Mohamed inuu xafido Qur’aanka, isla markaana uu Cod Macaan ku akhriyo Qur’aanka Kariimka.
QJ/SDN: Hargeysa