Xaabsade oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Iddacada Hargeysa
Hargeysa Jan 19,2012(qurbejoog.com)-Wasiirka wasaarada Warfaafinta iyo wacyi gelinta ee Somaliland Md Maxamed Cabdi Xaabsade ayaa dhagax dhigay dhisme cusub ee war laliska iddaacada cusub ee Radio Hargeysa.
Xafalad kooban oo arrintan loo sameeyay oo ka dhacday goobta dhismahan laga hirgelinayo oo ku taal isla xeyndaabka wasaarada warfaafinta ayaa waxa hadal kooban ka jeediyay Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta Faysal Cali Sheekh Maxamed oo tilmaamay ahmiyada ay qaranka ugu fadhido Iddaacada weyn Radio Hargeysa ee dhawaanta dalka la keenayo.
Sidoo kale wasiirka Warfaafinta Somaliland Md Maxamed Cabdi Xaabsade oo halkaa ka hadlay ayaa isna sheegay in Iddacada weyn oo laga dhegeysan doono dhamaan dalka iyo kuwa jaarka ahba ay bulshada ka haqabtiri doonto baahinta hawlaha dawladeed iyo daadejinta nidaamka dawladeedba.
Md Maxamed Cabdi Xaabsade ayaa bulshada ugu bishaareeyay in iddacada weyn ay dalka soo gaadhi doonto bisha inagu soo fooleh,isla markaana loo baahan yahay in farsamo yaqaanada wasaaradu isu diyaariyaan hawsha baaxada leh ee ku soo fool leh.
Somaliland ayaa xukuumadihii isaga danbeeyay ay ku guul dareysteen gebigoodba in ay dalka ka hirgeliyaan Iddaacada dalka oo dhan gaadha,iyada oo Radio Hargeysa beri geeska afrika ilaa Carabaha laga dhegeysan jiray oo ay ka mid heyd Iddacadaha ugu gunsan uguna afka dheer Afrika.
Qurbejoog-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com