|

Wufuud Ballaadhan Oo Iskugu Jira Siyaasiyiin iyo Waxgarad ka Soo Jeeda Garabka Barre Hiiraale Oo Maanta Gaadhay Kismayo

Kismayo:17-April-2014(SDN/QJ)-Wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo Col, Warfaa Sheekh Aaden iyo xubno iskugu jira odayaal dhaqan iyo siyaasiyiin ayaa saaka u ambabaxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose halkaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

hiireeSocdaalka Xubnahan ayaa yimid kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wada hadaladii u dhexeeyay Col, Barre Hiiraale ee Kismaayo ka socday ay guul-daraysteen.

Suldaan Maxamed Bashiir Madoobe Yarrow oo kamid ah Salaadiinta Jubbooyinka kana mid ah xubnaha wafdiga ayaa xidhiidh dhaw la leh Col, Barre Hiiraale oo isagu ku sugan duleedka degmada Kismaayo.

Lama oga wuxuu kusoo kordhin doono socdaalka xubnahan uu hoggaaminayo Col, Warfaa Sheekh Aaden xaaladaha siyaasadeed ee ka jira Jubbooyinka kuwaasoo maalmihii lasoo dhaafay uu ka jira is-mari waa.

Khilaafka ka dhexeeya Kornayl Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe ayaa meel fog gaadhay, waxana  taas maaro u waayey Ra’isal wasaare Cabdiweli oo wali halkaas jooga.

S.D.N/QJ

Hargeysa

Timo@qurbejoog.com

Contact@qurbejoog.com

Comments are closed