|

Wssiirka Gaashaandhiga oo u digay Jubaland

Muqdisho December 03, 2024(QJ) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in maamulka Jubbaland ay mas’uuliyadeeda qaadi doonaan dagaal kasta oo dhexmara ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee ka dhaca Jubbada Hoose.

Wasiir C/qaadir ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay xoojisay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo kumanaan askari oo dheeraad ah la geeyay deegaanka Raaskambooni. Waxa uu ku nuux-nuux saday in ciidamada dowladda aysan duulaan ku ahayn Jubbaland balse ay u jeedaan sidii Al-Shabaab looga ciribtiri lahaa.

Wasiirka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in maamulka Jubbaland ay siyaasadeeyaan ciidamada xoogga dalka, isagoo si been abuur ah ugu tilmaamay ciidamo la doonayo in lagu dumiyo jiritaanka Jubbaland.

“Ciidanka la geeyay Raaskambooni waa ciidamada Danab, waxayna gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah, cid walba oo rasaas kala hortimaadana mas’uuliyadeeda ayaa qaadi doonta” ayuu hadalkiisa ku daray wasiir C/qaadir Maxamed Nuur.

Wasiirka ayaa ku nuux nuuxsaday in ciidamadan ay guulo la taaban karo ka soo hooyeen dagaaladii Buulo Xaaji, kuwaasi oo Al-Shabaab loogu geystay khasaarooyin kala duwan.

Comments are closed