|

World Vision oo Bulshadda Ka Raali geliyay Qoddob Laga Cadhooday oo Ku jiray Shaqo ay Baahiyeen

Hargeysa Oct 17,2012(SDN/Hubaal) – Hay’adda World Vision oo kamid ah Hay’addaha Caalamiga ah ee ka hawl gala Somaliland ayaa raali gelin ka bixisay shaqo ay baahiyeen oo  dadka soo dalbanaya  lagu xidhay qoddob meel ka dhac ku ah sharafta diinta islaamka.

Shaqada  oo hay’addu sheegtay in qofka ay doonayaan uu aaminsan yahay diinta Kiristaanka  ayay Madaxda hay’addaasi sheegeen in uu si khaldan uga baxay oo aanay ugu talo gelin geyiga Somaliland.

Mr. Edwin Siala, Madaxa Xafiiska Hay’adda World Vision ee Somaliland oo ay weheliyaan Dadio Thakic iyo Axmed Cismaan oo kamid ah hawl wadeenada Xafiiska ayaa si wada jir ah raali gelin uga bixiyey qoddobka shuruudaasi oo ay sheegeen in aanu iyaga ka iman bale uu  si khaldan uga soo baxay xafiiskooda guud ee  magaalada Nairobi.

Madaxda Hay’addan ayaa cudur daarkaasi bixiyey kadib markii guddoomiyaha guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland  Sh. Maxamed X.  Maxamuud Xiirey  oo ay weheliyaan xubno ka tirsan guddidaasi ay daba gal ku sameeyeen sababta ka dambaysa shaqadan, oo Isniintii Dorraad ku soo baxay wargeyska Hubaal, taas oo guddidu  xafiiskooda ugu tegeen Madaxda Hay’adda World Vision ee Somaliland, isla markaana wax ka weydiiyeen Ujeedadooda.

Haddaba Guddoomiyaha guddida wanaag farista Sh. Maxamed Xaaji Maxamuud Xiirey oo habeen hore nagu soo booqday Xarunta Wargeyska Hubaal ee Magaaladda Hargeysa ayaa nooga warramay Tallaabadii ay guddi ahaan ka qaadeen Warkaasi iyo cudur daar ay Hay’addaasi ka bixisay baahintiisa.

Guddoomiyaha guddida Wanaag faristu waxa uu sheegay in  madaxdu u caddeeyeen in warkaasi  uu si khaldan loo baahiyey isla markaana qofka loo doonayaa aanu ahayn mid xaruntiisu noqonayso Hargeysa ee uu yahay  magaalada Nairobi ee dalka Kiiniya, warkaasi aanu ka soo bixin xafiiskooda Hargeysa isla markaana ay saxeen khaladkaas.

Sh, Maxamed Xaaji Maxamuud Xiirey, guddoomiyaha Wanaag faristu waxa uu sheegay in subaxnimadii hore ee Isniintii dorraad markii ay tegeen Hay’adda World Vision ay Madaxdoodu si fiican ula hadleen  una ballan qaadeen illaalinta iyo dhawrista shuruucda dalka iyo sharafta Diinta Islaamka ee dadkiisu aaminsan yahay.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in iyadoo la tixgelinayo hadalka guddida wanaag farista ay hay’addaasi tixgelisay isla  markiibana meesha laga saaray qoddobkii ku jiray shaqada la baahiyey.

Gebogabadii guddoomiyaha guddida wanaag farista iyo xumaan reebistu waxa uu u mahad naqay Wargeyska Madaxa banaan ee Hubaal oo cadadkiisii 69aad ee isniintan soo baxay lagu baahiyey  warkan, waxanu ku ammaanay in ay halkaa ka sii wadaan dedaalka iyo xilka ay bulshada u hayaan, isagoo warbaahinta kale ugu baaqay inay ku daydaan, meelna uga soo wada jeestaan ilaalinta karaamada iyo milgaha bulshada dhaqan ahaan iyo diin ahaanba.
SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed