|

William Ruto:Dib u celinta Qaxootiga Soomaalida waxa ay qaadan doontaa 2 sanadood

Nairobi Feb 20,2014(SDN)-Madaxweynaha ku-xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa saxaafada u sheegay in ay dib u celinta qaxootiga Soomaaliya ay si waangsan u socoto haatan.

Mr Ruto ayaa sheegay in ilaa iyo haatan ay in ka badan boqol kun oo ruux oo qaxooti Kenya ku ahaa ay Soomaaliya dib ugu noqdeen iskood.

Dalalka Kenya,Soomaaliya iyo Hay’ada QM u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa wada jir uga shaqeynaya sidii qaxootiga Soomaaliya ay dalkooda dib ugu soo noqon lahaayeen.

Mr Ruto ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in dhamaan qaxootiga Soomaalida ee ku nool xeryaha dalkaasi ay dalkooda dib ugu wada noqon doonaa mudo laba sanadood gudahood.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu sheegay in la kordhin doono dedaalada Soomaaliya looga saarayo kooxda Al Shabaab isla markaana loo baahan doono in dadku degaanadooda ku noqdaan.

UNHCR ayaa hore u shaacisay in Kenya ay ka waan towdo in qaxootiga khasab looga dhigo ku noqoshada Soomaaliya oo aan weli xasilooneyn.

SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed