|

William Ruto Iyo Wariye Arab Sang Oo Dacwaddoodu Markale Dib uga Bilaabmi Doonto Hague iyo Tirada Markhaatiyada Oo Soo Kordhay

Hague:Jan,10,2015(SDN/QJ)-Kiiska loo Haysto Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya William Ruto iyo Wariye Joshua Arab Sang, ayaa lagu wadaa inuu Isniinta Soo Socota ee 12-ka Bisha January ka Furmo Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC-da.

snagKiiska ayaa dib u furmaya kadib markii uu fasax ku maqnaa bishii lasoo dhaafay, waxana la filayaa inuu kiisku sameeyo horumarmar dhinac dacwadda ah..

Arab Sang ayaa warbaahinta u sheegay in uu magaalada Hague u dhoofi doono maalinta axada ah ee soo socota, si uu xarunta maxkamada xaadir ugu sii ahaado marka uu kiiska dib u furmayo.

Garsoorka maxkamada ee gacanta ku haya Kiiska ayaa dacwad oogayaasha ku amray in ay xaqiijiyaan, in kiiska ka dhanka ah Ruto iyo Arab Sang lasoo xidho ilaa bisha March ee sanadkaan 2015-ka.

Intii uu socday dhageysiga dacwada ee bishii December ayey dacwad oogayaasha sheegeen in ay hayaan dhowr markhaati oo soo hor istaagi doona maxkamada marka uu kiiska furmo 12-ka January.

Dhanka kale isbuucan waxaa socday wararka la xidhiidha dilka loo geystay mid ka mid ah markhaatiyaasha kiiskan oo ka socday dhinaca Wiliam Ruto kaasoo lagu magacaabi jiray Meshack Yebei, iyadoo aan la garaneynin cida dilkiisa ka dambeysay.

meydka yebei ayaa la helay 28-ki bishii december ee sanadkii lasoo dhaafay 2014-kii, isagoo dul sabeynaya wabi ku yaalla magaalada Turbo.

Waxaa socda haatan baadhitaanada ay dowlada ku sameyneyso dilkiisa, iyadoo falkaasna ay maxkamada ICC canbaareysay.

Si kastaba ha ahaatee, dhageysiga kiiska ka dhanka ah Ruto iyo Sang ayaa bilowday 10-ki bishii September ee sanadkii 2013-ki, waxaana tan iyo markaas maxkamada hor tagay 27 markhaati oo cadeymohooda gudbiyay.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed