Wiilkii Baxsaday ee Qaybta ka ahaa Kufsi Wadareed Loo Gaystay Laba Hablood oo Ku Nool Degmada Gal Dogob oo Gacanta lagu dhigay DHAGAYSO
Garowe 01. February 2017 (SDN/QJ):- Ciidamada Booliska Magaalada Garowe ayaa gacanta ku soo dhigay Bishaar Cabdisamad Maxamed oo kamid ah dhalinyaradii Kufsi Wadareedka ka geestay duleedka Degmada Galdogo ee gobalka mudug Baxsad ahaa tan iyo markii uu ka qayb qaatay falka kufsiga ah .
Guri kuyaala xaafada 1-da agoosto ee magaalada Garoowe ayuu ku dhuumaalaysanayey markii ay Ciidamada Gacanta ku soo dhigayn waxaa soo qabashadiisa Fududeeyay Gudoomiyaha maxakmada Ciidamada qalabka sida puntland Farax liif.
Gudoomiye Farax ayaa ciidamada Booliska garowe ku wargaliyay halka uu ku Sugnaa Bishaar Cabdisamad Maxamed sida uu sheegay Taliyaha Saldhiga Garowe dhame Maxamuud Muuse Bile .