|

Wiilka uu Sodoga u Yahay Madaxweyne Donald Trump oo Cadeeyay La Kulanka Dublamaasiyiin Ruush ah Xiligii Doorashadda Maraykanka & Tuhunadii in Ruushku Taageeray Trump oo Bannaanka Is Keenay

Washington 27. May 2017 (SDN/QJ):- Warbaahinta Dalka Mayaraykanka ayaa sheegaysa in ay sirdoonka gudaha dalkaasi ee (FBI) ay su’aalo baadhitaana waydiiyeen Mr.Jaraad Kushnar,oo la taliye sare u ah madaxwaynaha Maraykanka Mr Dolnd Trump, lugtii uu ku lahaa in faragalin Ruushku ku sameeyay doorashadii madaxtinimada dalkaasi.

Mr. Kushnar oo Madaxwaynaha dalkaasi Sodog u yahay ayaa sanadkii hore kulan la yeeshay diblamaasiyiin Ruush ah oo ku sugnaa magalada New yourk, xiligaas oo lagu jiray ololihii madaxtinimada dalkaasi taas oo ay jirtay in Mr. kushnar,uu si cad u qirtay la kulankaasi Diblamaasiyiinta Ruushka uu la yeeshay.

 

Geesta kalena madaxwaynaha Ruushka Mr Butin iyo saraakiil badan oo ka tirsan Xukuumada Dalkaasi ayaa beeniyay in ay faragalin ku sameeyen Doorashada madaxtinimada ee maraykanka ka qabsoontay sanadkii hore, hase ahaatee hay’adaha sirdoonka ee maraykanka ayaa aqoonsatay in dalka Ruushku ku sameeyay farogalin doorashada madaxtinimada si ay guushu u raacdo Mr Donald trump.

Comments are closed