|

Wiilka Madaxweynihii Hore Ee Waddanka Senegal Oo 9-Sano Oo Xabsi ah Lagu Xukumay Iyo Sababta Eeddiisa

Dhakar:Mar,25,2015(SDN/QJ)-Maxkamad ku taalla Waddanka Senegal, ayaa sagaal sano oo xadhig ah ku Wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Senegal Cabdalle Waade oo lagu magacaabo Karim Wade.

warorWiilkan ayaa lagu eedeeyey inuu ku kacay arrimo musuqmaasuq, waxana wiilkan oo Wasiir dalkiisa kasoo noqday lagu eedeeyey inuu Hanti uu haatan hayso sifo sharcidarro ah ku helay.

Ninkan oo maalmo yar uun ka hor xisbiga Senegalese Democratic Party u doortay musharaxa Madaxweynaha ayaa maxkamadu sidoo kale amartay inuu soo celiyo 160 milyan oo Yuuro oo garsooruhu sheegay inuu ka xaday hantida qaranka, laakiin waxa xukunkan ka cadhooday taageerayaashiisa.

Senegal, ayaa isku dayeysa inay la dagaallanto musuqa ragaadiyey, waxana haatan socda Tallaabooyin dabagal loogu samaynayo shakhsiyaad katirsanaa Rajiimkii hore oo lagu tuhmayo inay hanti lunsi badan ku kaceen muddadii ay hoggaanka waddanka hayeen.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed