“Wiilasha Siilaanyo Ee Aanu Abtiga U Nahay, Nasabnimo Ayaanu Ku Dhalnay, Mid Talo Xumoobay Majiro, Halkaasay Ka Baxeen Markay Yaabeen”Xil.Siciid
Hargeysa 02.Aug 2016 (SDN/QJ):- Iyadoo maalmihii u dambaysay ay siyaasiyiinta iyo Shacabka ka soo kala jeeda Bariga Magaaladda Burco iyo Gobolka Saaxil ay hanjabaado qaawan Warbaahinta isku marinayaan, ayaa waxa uu Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ka hadlay Qoyska Madaxweyne Siilaanyo,gaar ahaan Wiilashiisa oo Reer Saaxil abti u yihiin,waxa uu sheegay inay bari ka yihiin xaaladdaha taagan gaar ahaan arinta Berbera ka taagan.
Waxa uu sheegay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble in Wiilasha uu dhalay Madaxweyne Siilaanayo ee ay abtiga u yihiin ay gabi ahaanba banaanka ka joogaan Weerar uu sheegay in lagu bar tilmaameedsanayo Dadka ku dhaqan Gobolka Saaxil iyo Berbera, iyo sidoo kale Talada maroorsan tahay ee Madaxweyne Siilaanyo,waxaana uu sheegay inay arintaasi lugta kula jiraan oo ay walaaqanayaan Wasiir Maxamuud Xaashi Iyo Wax uu ku sheegay qayrkii,waxana uu yidhi“Waxaan idiin sheegaynaa,Siilaanyo Inamadiisa anaga ayaa dhalnay,Nin maanta halkaasi ku talo Xumoobay ma jiro waa kuwa halkaasi ka baxay,Nasabnimo ayaanu ku dhalnay,Waa kuwaa iskaga baxay,Godob Alle iyo Godob ay Ilma Siilaanyo leeyihiin majiro,Way quusteen oo banaanka ayay uga baxeen,Maxamuud Xaashi iyo Qayrkii iyo Wax kale ayaa meesha walaaqanaya,Waa la ogyahay Taasi”.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa ku faanay Abtinimada Wiilashada Madaxweyne Siilaanyo waxaana uu sheegay inay Nasabnimo ku dhaleen oo ay yihiin wiilal nasab ah oo aan jeclayn Xumaanta,islamarkaana ay ka biyo diidsan yihiin sida uu sheegay Qaabka Hogaaminta dalku hadda u janjeedho,isagoo carabka ku adkeeyay inay Banaanka uga baxeen markii ay saluugeen sida wax loo wado iyo Buuqa ka taagan Dekeda Berbera.