|

Wiil Yar Oo Agoon Ah Oo Hindisay Baabuur iyo Diyaarad iyo Codsiga Qoyskiisa DAAWO

Buuhoodleh,11Dec,2015(QJ/SDN)-Guuleed yare waa Wiil 13 Jir ah oo Kunool magaalada Buuhoodle Waxaa Uu Guuleed Soo Bandhigay Agab uu ku farsameeyey Gacantiisa  Oo caruurtu ku ciyaarto Kuwaasi Oo Isugu Jira gawaadhi, Diyaarad Iyo Marawaxad Wax Qaboojisa iyadoo Dhamaan Agabkan Guuleed sameeyey ay Wada Shaqaynayaa.

Hadaba Guuleed Ayaa Baabuurtan waxaa Uu Kasameeyey Caagado Iyo Taarar Iyo Sidoo Kale Agab Fara Badan Oo uu Isu Gee Geeyey Kuwaasi Oo Dhaqaaq samayanaya Isla Markaana bixinaya Laydh, sidoo kalan Horay Iyo Gadaal Usoconaya.

Guuleed oo agoon ah, waxaa uu Dhigtaa oo Iskuulka Agoonta oo Ay Ku taba Rucday Samsam Cali Caateeye Iyo Qoyskeeda, Waxaana uu Kasoo Jeedaa Qoys Dan yar ah.  Isagoo ubaahan In Kor Loo qaado Nolashiisa oo la garab istaago.

 

Comments are closed