|

Wiil Uu Dhalay Osama Bin Laden Oo Ku Hanjabay In Uu Maraykanka Ka Aargoosan Doono

hamza

Karaaji,12,7,2016 (QJ/SDN) – Wiil uu dhalay hogaamiyihii Ururka Alqaacida Osama Bin Laden ayaa usoo hanjabay dowladda Maraykan isagoo sheegay inuu ka aarsan doono Dhimashadii Aabihiis loo gaystay ka dib fariin Cod ah oo uu soo diray.

Wiilkaasi oo lagu magacaabo Xamsa Osama Bin Laden ayaa hanjabaadaasi ku sheegay Farriin Cod ah oo ay Ururka Alqaacida ku baahiyeen Internetka.

Farriintiisa oo socotay muddo 21 daqiiqo, waxa uu ku xusay inay Maraykanka ka aar goosan doonaan Falkii ay ku khaarijiyeen Aabihiisa, Osama Bin Laden sannakii 2011-kii.

Xamsa Osama Bin Laden waxa uu tilmaamay inay sii wadi doonaan dagaalladda ka dhanka ah Maraykanka iyo Isbahaysigiisa, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Waan sii wadi doonaa inaan idinku beegsano gudaha Waddankiina, oo aan idinka aar goosan doonaa dhibaatooyinka aad u geysataan Dadka Soomaalida, Afganistan, Syria, Iraq, Yemen, Reer Falastiin iyo dalalka Islaamka ee aan ka badbaadin Tacadiga Maraykanka” ayuu yidhi Xamsa Osama Bin Laden oo Gacan-yare u ahaan jirey Aabihiis.

Hoggaamiyihii Ururka Alqaacida, Usaama Bin Laden waxaa lagu dilay Hawlgal ay Komaandooska Maraykanka bishii May 2-dii ee sannadkii 2011-kii ku qaadeen Dhismo uu ku sugnaa Bin Laden, oo ku yaallay magaalladda Abnbottabad ee dalka Pakistan.

“Waxaan sii wadi doonaa dagaal ka xoog badan kii uu Aabahayo ku jiray illaa aad ka joojinaysaan Dulmiga,Dilka iyo Tacadiga aad ka wadaan isla markaana la beegsanaysaan wadamada Islaamka gaar ahaana Palestine, Afghanistan, Suuriya, Ciraaq, Yemen, Soomaaliya iyo inta kale ee ka mid ah dalalka Muslimka Iyo Dadkooda kuwaasi oo aad noloshooda Cidhiidhi Geliseen.

Dagaalku ma uusan dhammaan Osama Bin Laden waa noolyahay dhammaantayo hadii aanu nahay Islaamka waxaanu wada nahay Osama oo miidhan “Ayuu yidhi Xamse Bin Laden

Wiilkan Hamse Bin Laden hada wuxuu ku jiraa da’da 20 jirka waxaana uu ka mid yahay 20kii Caruurta ahayd ee uu dhalay Hogaamiyihii Ururka Alqaacida Osama Binu Laden.

Comments are closed