|

Wiil Uu Dhalay Madaxweyne Qaddaafigii Libya Laga Afgembiyey Oo Maxkamadi Dil Ku Xukuntay

Tripoli:Jully,29,2015(SDN/QJ)-Maxkamad ku taalla Magaalada Tripoli ee dalka Libya, ayaa xukun dil ah ku ridday Sayfal Islam Qaddaafi oo uu dhalay Madaxweynihii la afgembiyey ee Dalkaasi Libya.

syfeSeyful Islaam waxaa loo heystaa gal dacwadeedyo dhowr ah oo ku aadan dagaallo iyo kacdoonn oo ka dhacay Libya sanadii 2011 oo ahayd xilligii dalkaasi galay qalalaasihii keenay in madaxweyne Qaddaafi si milgaha ka baxsan loo khaarajiyo.

Maxkamad ku taal Tripoli ayaa xukunka dilka ah ridday xili Seeyful Islaam uu ka maqnaa Maxkamadda xukunka riday.

Xeer-ilaaliye ka tirsan Maxkamadda ayaa ku eedeyay Seeyful Islaam iyo saraakiil kale oo dowladdii Khadafi ka tirsanaa in ay xoog ku joojiyeen dhiigna ku daadiyeen dibad-baxyo si nabad ah uga dhacayay dalka Libya.

Lama oga goorta xukunkani uu fuli doono, dooda iyo maxkamadeynta wiilka Khadafi waxaa ay soo socotay ku dhawaad laba sanadood iyadoo bilaabantay bilowogii sanadii 2014-ka.

Waxaa la hubaa in Seyful Isalaam ay heystaan koox maleeshiyo beeleedyo ah oo kasoo horjeedda dowladda Libya ee hadda talada haysa waxaana la sheegaya in uu ku sugan yaahay magalada Zintan oo ay qabaai’ilada hubeysan ee dalka Libya ku badan yihiin.

 

 

SD/QJ

Timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed