|

Wiil uu Dhalay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo Dabayaaqadii Sannadkii Tegay Ku Dhintay Dalka Suuriya Kadib Markii ay Duufsadeen Kooxaha Argagixisadu & Dareenka Aabihii!! DAAWO

Hargaysa 14. January 2018 (SDN/QJ):-Eng Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID ee Somaliland, ayaa sheegay in sanadkii iminka uun dhamaaday ee 2017 lagu diley dalka Suuriya wiil uu dhalay.

Sayid Xuseen Faysal Cali Waraabe ayaa suuriya tegey sanadkii 2013-kii, ka dib markii la duufsaday oo warbixin khalad ah la siiyey sida uu aabihii sheegay.

Waxa uu ku dhashay oo ku noolaa wadanka Finland. Xuseen waxaa la joogtey xaaskiisa oo Finland ka raacday iyo laba gabdhood oo ay dhashay oo iyagu halkaa la joogay, waxaana la sheegay in iyadu ay soo xaqiijisay in uu ku dhintay weerarro dhinaca cirka ah oo loo geystay goobta uu ku sugnaa.

Comments are closed