Wiil Soomali Dhalashada Canada Haysta Oo Lagu Helay Inuu U Halgamayey Ka Mid Noqoshada Al-shabaab
Tononto:May,31,2014(SDN/QJ)-Wiil Somaliyeed oo Dhalashada waddanka Canada haysta ayaa la sheegayaa in lagu helay Dambi ah inuu doonayey sidii uu ugu Biiri lahaa Ururka Al-shabaab oo Dawladaha Caalamku dagaal Ba’an kula jiraan.
Maxamed Xersi oo 28 sano jir ah kana mid ahaa ciidamada ilaalada amaanka dhisme ku yaala magalada Toronto ee Dalka Canada ayaa sidoo kale lagu helay inuu shaqsiyaad kale ku dhiiri gelinayay inay ku biiraan Alshabaab.
Qaadiga maxkamada ayay ku qaadatay inuu go’aankaasi gaadho muddo laba maalin ah, waxaana Maxamed Xersi maxkamada horteeda la keenay muddo saddex jeer ah si su’aalo loo weydiiyo.
Maxamed Xersi ayaa laga xidhay bishii March 2011 garoonka diyaaradaha ee magaalada Toronto waxaana la sheegay in xiligaasi uu qorsheynayay inuu gaadho magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Laakiin qorshaha ayaa la sheegay inuu ahaa inuu yimaado dalka Soomaaliya halkaasi oo uu ku dhashay si uu ugu biro Alshabaab, waxaana laba kamid ah asxaabtiisa ay Alshabaab ku biireen sanadkii 2009, iyadoo la sheegay in midkood uu dhintay.
Waxaa horay loogu eedeeyay inuu doonayo inuu ka qeyb galo falal argagixiso saaxiibadiina uu kula talinayo inay falalkaasi ka qeyb qaataan.
Waxa jira Dad badan oo soomali iyo ajaanib isku jira, kuwaas oo inta Badan dalalka caalamka uga soo dhoofa sidii ay Dagaalka Somalia ay Al-shabaab ka waddo ugu biiri lahaayeen.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com