Wiil loo baadi goobayay Qaraxii Boston oo gacanta lagu soo dhigay kiyoo dhaawac ah
Watertown April 20,2013(SDN)-Mid ka mida labadii nin ee lagu tuhunsanaa qaraxyadii ka dhacay magaalada Boston maalinimadii Isniinta ayaa xalay gacanta lagu soo dhigay.
Dzhokar Tsarnaev oo 19 jir ah ayaa lagu qabtay mid ka mida aqalada magaalada Wartertown kiyoo dhaawac ah.
Dzhokar Tsarnaev oo walalkiina xalay ay toogasho ku dileen ciidamada amaanka ee Mareykanka ayaa policeka isu dhiibay kiyoo dhaawac ah.
Ma cada in uu Dzhokar Tsarnaev ku dhaawacmay iska hor imaad xalay dhexmaray isaga,walaalkii iyo ciidamada iyo in uu dhaawacu soo garay kolkii la qabanayay.
Si kastaba ha ahaatee waxa haatan muuqda in loo gudbayo baaritaanada sababta ay ragani weerarka u qaadeen iyo cida ka danbeysay.
SDN-Watertown
contact@somalidiasporanews.com