|

Wiil Dhallinyaro Ah Oo U Dhashay Dalka Masar Oo Si Fool Xun Loogu Dilay London !

London 26. May 2017 (SDN/QJ):- Wiil Dhallinyaro ahaa oo Da’diisuna aheyd 20 jir magaciisana la odhan jiray Xusaam Cali Cisa oo 14sanadood noloshiisa ka mid ah kusoo qaatay Dalka Talyaaniga kahor intii aanay isaga iyo Qoyskiisu usoo wareegin Dalka Britian sanadkii hore gaar ahaan Xaafada ku taala Bariga Magaalada London ee Dagenham ayaa waxa uu la kulmay arrin ay Saaxafada Dalka Talyaanigu qaadaa dhigtay oo aheyd in wiilkaasi uu ka shaqayn jiray mid ka mid ah hudheelada Magaalada London isla markaana isaga oo la socday Gabadh u doonanayd oo asal ahaan ka soo jeeda Dalka Bangaaladhesh Da’deeduna ay tahay 19 sano oo la yidhaahdo Salma Begun.

Labadan lammaane ee aanu callafku isku simin ayaa waxa xilligaasi kasoo hor baxay afar wiil oo Da’yar ah oo u dhashay Dalkaasi Britain waxaanay Xusaam wiilashaasi u eegay si aan cajabin, intaasi kadibna waxa meeshii ka dhashay Buuq iyo is af dhaaf, waxaanu mid ka mid ah afartii wiil ee Da’yarta ahaa uu ku dhufatay Xusaam Middi uu sitay siday soo bandhigtay Jarriidada Gazzetta de mantova oo Wargeyska Himilo kasoo xigtay, Xusaam na waxa uu u geeriyooday Minddidaasi afarta jeer ku dhacday awgeed waana arrin ay xaqiijiyeen Dadkii u dhawaa Wiilkaasi oo Asal ahaan ka soo jeeda Dalka Masar ee lagu hor dilay gabadhii u doonanayd.

Comments are closed