|

WFP oo joojisay Cunto qeybin ay ka wedey Khaatumo

Laascaanood November 30, 2024(QJ) – Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa ku dhawaaqday inay si ku meel gaadh ah u joojisay dhammaan hawlihii ay ka wadeen deegaanada SSC-Khaatumo, sababo la xidhiidha amni darro iyo dhac baahsan oo saamayn ku yeeshay qaybinta gargaarka bini’aadantinimo ee deegaankaas.

Qoraal rasmi ah oo uu soo saaray agaasimaha WFP ee Soomaaliya, El-Khidir Dalum, ayaa lagu xusay in barnaamijyada WFP ee SSC ay taageerto ku dhawaad ​​8,655 qoys, oo ay ku jiraan carruur nafaqo-xumo hayso, hooyooyin uur leh iyo kuwo nuujin ah iyo dad kale oo nugul. Gargaarkan ayaa waxaa la soo gaarsiiyay saddex NGO oo kala ah GHADO, NRC iyo ALIGHT, kuwaasoo ka howlgala degmooyinka Laascaanood, Taleex iyo Buuhoodle.

Dhacdooyinka soo noqnoqda ee dhaca ayaa keenay in la joojiyo gargaarka. WFP ayaa sheegtay in 24-kii iyo 27-kii bishii November la dhacay ugu yaraan 95-tan oo raashin mucaawino ah oo loogu talo-galay shacabka Buuhoodle.

“WFP waxa ay qaadatay go’aan adag oo ay ku joojinayso howlaheeda ilaa laga helayo jawi ammaan ah oo u ogolaanaya in si sax ah loo gaarsiiyo gargaarka bini’aadantinimo,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhacdadani waxay muujinaysaa caqabadaha ay la kulmaan ururada gargaarka ee iskahorimaadyada iyo meelaha nugul. WFP waxay ku nuuxnuuxsatay baahida loo qabo kordhinta iskaashiga iyo dadaalka lagu ilaalinayo nolosha dadka nugul ee SSC.

Comments are closed