WFP oo Heshay 10 Million oo Doolar oo ay Wax kaga Qabanayso waxyeeladii Abaarta Bariga Afrika
New York 10. May 2017 (SDN/QJ):- Hay’adda cuntada iyo beeraha ee WFP ayaa Dalka denmark ka heshay dhaqaale gaadhaya US $ 10.7 Milion kaas oo loogu talogalay inay wax kaga qabato dhibaatadii ay abaartu ku reebtay dalalka ku yaalla Gobolka Afrikada Bari.
dhaqaalahan waxaa wax loogu qabanayaa dadkii ay abaartu raadka xun ku yeelatay ee Wadamada K/Sudan, Itoobiya ,Somaliland, Kenya iyo Somaliya sida ay sheegtay hay’adda WFP, oo intaa ku dartay in deeqdan wax laga gaadhsiinayo dadkii qaxootiga ahaa ee ka cararay olaadaha K/Sudan kuna sugan Wadanka Yugaandha.
Tusaale ahaan Dalka itoobiya waxaa dhaqaalahan lagaga taageerayaa nafaqaynta caruurta da’doodu ka yar tahay shanta sanadood, haweenka uurka leh iyo weliba hablaha kalkaalisooyinka ah oo xaaladooda la hagaajinayo si ay ugu hagar baxaan shaqada quudinta ee ay ka hayaan xarumaha xanaanada ee daryeelka dhallaanka iyo hooyada.
Deeqdan Denmark waxay qayb ka qaadanaysaa di u habaynta jidkii caawimooyinka ee Dalka sudan iyo weliba K/Sudan oo dad gaadhaya 250.000 ruux la gaadhsiin doono caawimada lagama maarmaanka loo arko.
Sida qorshuhu yahay waxaa kaloo barnaamijkani saamayn doonaa Dalalka Somaliland, kenya iyo Somalia oo caruurta da’doodu ka hoosayso shanta sano nafaqayn loo samayn doono sidoo kalena ay ururada maxaliga ah ee aan dawliga ahayni cuntooyinka ay dadku danaynayaan uga iibin doonaan suuqyada Gobolka, sida ay caddaysay wakiilka WFP ee bariga iyo badhtamaha Afrika, Valerie Guarnieri.
Wasiirka iskaashiga iyo horumarinta Dalka Denmark Ulla Tørnæs ayaa dhankiisa waxa uu ugu baaqay beesha caalamka in gurmad xiligan laga sameeyo wax ka qabashada dhibaatadii abaartu reebtay ay noqonayso talaabo sabab u noqon karta in lagu badbaadiyo nolosha dad badan oo xiligii abaarta ka soo gudbay laakiin aan xaaladoodu hagaagsanayn.
Sida la ogyahay Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa todobaadkii hor xafiiskiisa Magaalada Hargaysa ku qaabilay wefti heer sare ah oo ka socday Dalka Denmark, waxana ay ka wada hadleen arimo ay qayb ka ahayd dhibaatadii abaartu ku reebtay Dalkan JSL.