Weriyeyaasha Reer Galbeedka ah ee Ku Sugan Magaalada Gubanaysa ee Qasa oo Xarumaha ay u Shaqeeyaan Dhibsadeen Tebintooda Tooska ah ee Wararka Dagaalka Israa’il Iyo Falastiin
Gaza 21.July 2014 (SDN/QJ)- Telefishinka NBC Al-Ikhbaariyah ee Mareykanka laga leeyahay ayaa waxa ay ku amartay wariyihii uga soo warramayay magaalada Ghaza in uu sii deg deg ah kaga soo baxo magaalada kadib markii uu si isdaba joog ah usoo tabiyay caruur aad u da’ yar oo ku waxyeeloobay qaarna ku Shahiiday duqeymaha arxan darro ee diyaaradaha dagaalka Yuhuudda ka wadaan magalaada.
Shabakada NBC ayaa amar deg deg ah sii say wariye Ayman Muxiyidiin, waxaana lagu amray wariyaha in uu yimaado magaalada Washington kadib markii uu si toos ah u tabiyay caruur farabadan oo Reer Falastiin ah kuwaasi oo si ba’an ugu xasuuqmay duqeymaha diyaaradaha dagaalka Yuhuudda.
Maqaal uu qoray wariye lagu magaacaabo Glenn Greenwald isla markaane ay baahisay barta «Andreaspt»,ayaa waxa uu ku sheegay in tabinta tooska ah ee uu sameeyay wariye Ayman Muxiyidiin in ay caro weyn ku beertay Maamulka sare ee telefishinka uu ku howlgalo taasi oo keentay in si deg deg ah looga yeero wariyaha magalaada Washington!.
Wariyaha ayaa maqaalkiisa waxa uu ku sheegay in arrintaan ay la xiriirto sababo dhanka ammaanka ah iyo in la ilaaliyo ujeedooyinka guracan ee Yuhuudda maadaama wariyaha uu soo tabiyay dhacdooyin murugo leh wax yar un kadib markii Yuhuudda ay ku dhawaaqday in Ghaza ay ku qaadeyso duullaan dhulka ah.
Wariye Ayman Muxuyidiin oo ah Masri ayaa waxa uu ku hadlayay luqada carabiga isagoona khibrad dheer u leh tabinta dhacdooyinkaani oo kale, gaar ahaan isagoo dhacdooyin waaweyn kasoo tabinayay bariga dhexe sanadihii lasoo dhaafay intii uu usoo shaqeynayay Telefishinka CNN ee Mareykanka.
Wariyaha ayaa waxa uu si weyn ugu soo can baxay weerarkii 2008 Yuhuudda ay ku qaaday Ghaza isagoona tabin toos ah ka soo sameynayay magaalada Ghaza, taasi oo keentay in si weyn Shabakada NBC ay u xiiseyso shaqada wariyaha iyadoona ugu dambeyntii qaadatay wariye Ayman Muxiyidiin iyadoo eegeysa khibaraddiisa shaqo.
Sidoo kale waxa kamid ah dhacdooyinkii uu soo tabiyay afar curuur ah oo ku waxyelloobay duqemayaha iyagoona dhaawac soo garay u Shahiiday.
Wariyaha ayaa maqaalkiisa waxa uu sheegay in Muxiyidiin uu soo tabiyay dhacdooyin murugo leh kuwaasi oo ay kujireen caruur iyagoo dhimanaya lasoo duubay iyo dhacdooyin kale oo si toos ah u dhacaya, waana saameyn weyn oo wax ka badali karta bulshada Caalamka.
Yuhuudda ayaa dooneysa in waxkastoo ay sameyso laga indha qarsado halka Mareykanka uu indhaha istirayo, waxaana loo diiday in ay qeyliso waxa loogu yeero Qaramada Midoobey taasi oo iyadane dhaga la’ sida ks muuqata sawirka.
Duqeymaha arxan darrada ah ee Yuhuudda kuwado Ghaza waxaa ku Shahiiday inta la ogyahay 320 ruux oo u badan caruur da’yar iyadoona magalaada maalinkii 14-aad ay ku socoto duqeyn toos ah iyo go’doomin culus.
Xaafado badan oo katirsan magaalada waxaa hadda ka maqan biyaha waxaana laga yaabaa in dhamaan korantada la waayo, iyadoo dhaqaatiirta ku sugan goobaha caafimaadka ay ka deyrinayaan xaaladda murugsan ee ka taagan magaalada Ghaza.
Gaza SDN/QJ
contact@qurbejoog.com