Weriye Yuusuf Garaad oo Bogaadiyay Magacaabista Wasiirka Warfaafinta Mudane Cukuse
London 25.June (SDN) Wariyaha Ruug-Cadaaga ah ee Yuusuf Garaad Cumar Horena u ahaa Tifaftirihii Laanta Afka Somaliga ee Idaacada BBC ayaa waxa Uu Hambalyo U Diray Wasiirka Cusub ee Wasarada Warfaafinta DHaqan Iyo Wacyigalinta Somaliland Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse.
Yusuf Garaad ayaa waxa uu Fariin Hamblyo ah U Mariyay Barta Xidhiidhka Bulshada Ee Internentka Qaybta Facebooka Isagoo ku Yidhi “Hambalyo Cabdullahi Cukuse, Wasiirka cusub ee Warfaafinta Somaliland. Cukuse oo aan wada dhigannay Kulliyadaha Gahayr ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, waxaa uu berigaa noo ahaa Guddoomiyaha Guddiga Kormeerka. Waxaa iigu dambeysay Madaarka Berbera, sannadkii hore isaga oo u socda in uu soo xajiyo. Sannadkii ka horreeyayna waxaan wada joognay Xajka.
Waa aftahan, u soo joogay wixii dalka iyo Jabhadahaba ka dhacay. Waxaan ugu hambalyeynayaa xilka loo magacaabay. Waxaanna ka rajeynayaa inuu dhowri doono xorriyadda iyo horumarinta saxaafadda isla markaana gacan ka geysan doono in la oggolaado idaacado gaar loo leeyahay.” Wariye Yuusuf Garaad Axmed
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland oo uu Madaxweyne Siilaanyo Xilkaas u Magacaabay ayaa ah Suxufi Mudo badan ku soo dhex jiray Hawlaha Wartebinta Isla Markaana Xilal kala duwan ka soo qabtay Dawladihii isaga kala danbeeyay ee Hogaaminta Talada dalka.
London SDN.
Qurbejoog.com