Weriye Yoonis Cali Nuur oo u Xuubsiibtay u Ololaynta Xisbiga Kulmiye DAAWO
Hargaysa 10. September 2017 (SDN/QJ):- Weriye Yoonis Cali Nuur oo ka soo Shaqeeyay Idaacada BBC qaybteeda afka somaliga Mudo dheer haatana ah La taliyaha Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa lagu arkay isagoo u ololaynaya Xisbiga Kulmiye gaar ahaan deegaanada gobolka Gebilay.
Yoonis Cali Nuur ayaa si qoto dheer uga sheekeeyey waxyaabaha uu Aduunku ku qiimeeyo hogaamiyaha ay dooranayaan, waxaanu Umadda Somaliland kula dardaarmay inay codkooda siiyaan hogaamiye geesi ah, oo leh ku dhac iyo go,aan qaadashado.