Weriye Cumar Seerbiya oo Ka Hawlgala Warbaahinta Goob Joog oo Lagu Xidhay Madaarka Hargaysa Kadib Markii uu Muqdisho ka soo Laabtay & Dawlada oo ka hadashay DAAWO
Hargaysa 08. July 2017 (SDN/QJ):- Wariye Cumar Seerbiya oo kamid ah saxafiyiinta Somaliland oo Fadhigiisu hore u ahaa Hargeisa balse mudooyinkii u danbeyey Muqdisho howlo shaqo u joogey ayaa lagu xidhay Gegida diyaaradaha ee Cigaal Airport-ka Hargeisa kadib markii uu ka yimid Magaaladda Muqdisho.
Wariyahan la xirey ayaa waxaa uu mudooyinkan danbe ka tirsanaa TV-ga iyo Idaacada Goobjoog oo uu fadhigeedu yahay Magaalada caasimaada ah ee Muqdisho.