|

‘’Weriye Cawke waxa uu ahaa Nin wax weyn soo qabtey, Taariikhda dalkana baal Dahab ah ka galey’’ Madaxweynaha Soomaaliya

Muqdisho,17Nov,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray shacabka, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday weriye Axmed Xasan Cawke oo ka mid ahaa hawlwadeennada kaalinta weyn ka soo qaatey guud ahaan saxaafadda Soomaalida gaar ahaanna tan Soomaaliya.

“Innaa Lillaahi waa Inaa Ileyhi Raajicuun. Marxuum Cawke waxaa uu ka baxay ummada Soomaaliyeed oo dhan, cid walbana way garaneysaa kaalintii iyo shaqadii wanaagsaneyd ee uu dalkan u soo qabtey intii uu noolaa. Marxuumka Ilaahay Jannatul Fardowsa ha ka waraabiyo, qoyskiisa, ehelkiisa iyo shacabka Soomaaliyeedna, samir iyo iimaan Allah ka siiyo’’, ayuu yidhi Madaxweynaha.

Marxuum Axmed Xasan Cawke waxaa uu door weyn ka soo qaatey , shaqadiisana ay si weyn uga dhex muuqatey Wasaaradda Warfaafinta, Madaxtooyada Soomaaliya, idaacadaha caalamiga iyo kuwa maxalliga intaba.

Marxuumka ayaa xaley saq dhexe ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee is maamulka Soomaalida ee dalka Ethiopia.

QJ/SDN:Hargeysa,Somaliland/Office

Comments are closed