Weriye C.risaaq Xaaji Catoosh oo BBC u soo Wakiilatay inuu Tacsi Gaadhsiiyo Qoyskii uu ka baxay Marxuun Axmed Xasan Cawke Iyo Siyaaro uu ku tegay Qabrigii lagu aasay SAWIRO
Hargaysa 18.Nov 2015 (SDN/QJ):- Waxaa weli socda Baroordiiqda Geeridii xaqa ahayd ee Shalay ku Timid Weriye Axmed Xasan Cawke oo si weyn looga yaqaanay Deegaanada Soomaalidu ku dhaqan tahay.
Hadaba Weriye C.risaaq Xaaji Catoosh oo ka Tirsan Idaacada BBC laanteeda Afka Somaliga kana soo warama Magaalada Nairobi ayaa bah’da Idaacadaas oo Marxuun Cawke Mudo dheer ka soo shaqaynayay Waxay u soo Direen inuu Sawiro ka soo qaado Xabaasha Marxuun Axmed Xasan Cawke oo lagu aasay Magaalo Xuduudeedka Togwajaale oo ahayd Bogcadii uu ku dhashay,Sidoo kale Waxay soo fareen inuu Dhanbaal tacsi ah Gaadhsiiyo Gabadha qudha ee la dhalatay Marxuunka oo la Yidhaa Canab Xasan Cawke.
Cabdirisaaq Xaaji Catoosh oo ka soo degay Garoonka Magaalada Jigjiga ayaa safar aan hakasho lahayn waxa uu ku tegay qabriga cawke,qoraal uu ku faafiyey barta uu ku leeyahay Shabakada Xidhiidhka Bulshada ee Facebook ayuu ku sheegay Sidan:-
“Ilaahoow adiga ayaa na abuuray. Adiga ayaanan kuu noqon doonaa, Waa qabrigii walaalkeen marxuum Axmed Xasan Cawke oo shalay lagu xabaalay magaaladda Wajaale, Inkastoo aanan haleelin aaska marxuumka hadana maanta ayaan booqday qabriga iyo ehelka uu ka baxay walaalkeen.
Dhaamaan reer Xasan Sheekh Suufi ilaahay ha idin boogadhayo, Sidoo kale tacsidii maanta waxaa ka qayb qaatay dhamaan asxaabta BBC oo telefoonka ugu soo tacsiyadeeyey walaasheen Canab Xasan Cawke.
Eryada qalbigayga taabtay ee ay Canab maanta igu tiri waxaa ka mid ahaa. Walaalkay waa uu dhintay balse idinkoo dhan ayaa walaalo ii ah.
Waxaan u mahad celinayaa asxaabtayda BBC ee ku talisay inaan tacsida imaado.