Weligaa Ma Maqashay Qof Hooyo ah Hadana aan Hooyo Lagu Sheegin Shakhsi Kastana Noloshiisa Saamayn Ku Leh? DAAWO
Hargaysa 10. March 2017 (SDN/QJ):- Macallin, Abwaan Qoraa Sheeko Masrax,Qareen Ergo Iyo Af Soomaali Waa Prof Siciid Saalax Axmed,Heestan Ma Jiro Suugaan Yahan Kale oo Godkeeda ka Maansooday, Qof Hooyo ah hadana aan Hooyo Lagu Sheegin Isla Markaana Qof Kasta oo inaga mid ah Noloshiisa Saamayn Ku Leh.
Wuxuu Heestan Tiriyey 1979kii Iyadoo uu Kaga Qayb galay Tartan ka Dhacay Dalka Switzerland .
Midhaha Heestan Waxay u dhacayeen Sidan:-
Hooyo aan la aqoonsan,
Hooyo aan la ogayn,
Hooyo aan la astayn
Haddana aan laga Oollin
Umulisooy adigaa ah,
Ooridii kohaneysaa
Markay fooshu eryeysoo
Tay ku eeranaysaay
Astaantii naxariista
Umulisooy adigaa ah,
Qofkastoo ifka joogaa
Ammintuu dhalanaayay
Soo dhaweynta ilmahaa
Irriddii jiritaanka
Umulisooy adigaa ah,
############
Ubadku goortuu
Uurkahooyo ka soo arooro,
Marka adduunka
Dhibaato oosha
Ugu horreysaa,
Markuu abbaaro
Naqasku oofta
Oohintiisa axad u jeela
Ku farxaa oohin
Adiga weeyee,
Ujeedadaadu Ubadka Weeye
Ha Ambo qaado
Armuu ahaanba Waayaha Adduunka
Mid abda Yeela.
Muuqaalka Heesta Halkan ka Daawo