|

“Wejigii Hore Wuu Guulaystay Muuse Biixi,Balse Waxaa Bilaabmay Loolanka Wejigii labaad ee Xulista Ergooyinka”

Hargaysa 23.Sep 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ay hareero taagnaayeen madaxweyne-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, xoghayaha guud ee KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf iyo guddoomiye-xigeenka KKULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa si rasmi ah u cayimay wakhtiga uu qabsoomayo shirka golaha dhexe ee KULMIYE oo ah 10 November 2015.

Muuse Biixi iyo WarbaahintaMd. Biixi, oo hadalka ka jeediyay xarunta madaxtooyada ayaa yidhi “Waxaynu ognahay in dadka xiiseeya arimaha siyaasadu baryahan dambe oo dhan ka faaloonayeen shirkii golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye.  Xisbi ahaan taa waanu ku farax sanahay waayo, waxa aanu u aragnaa in ummadda Somaliland dhamanteed danaynayaan geedi socodka xisbiga.  Taasi waxay muujinaysaa  ummada inteeda badan rajada mustaqbalkeeda ka dhex eegayaan xisbiga kulmiye.

Dhinaca kale hadal haynta xisbiga kulmiye waxay muujinaysa in shacbigu ka marag kacaayo, wax qabadka horumarineed ee xukuumada kulmiye fulisay shantii sano ee ay xilka haysay.  Xisbiga Kulmiye isagoo dareemaya kalsoonida shacbigu u muujiyay, isagoo ka falceliniya dareemada dadku ka naawilayaan  mustaqbal dhaw iyo ka fogba. wuxuu si hagar la’aan ah fikir iyo fulinba ku dadaalayaa:

¨ in uu ka midho dhaliyo hiigsiga iyo himilada shacbiga somaliand ee ah,

¨ in somalialand hesho aqoonsi buuxa  kana mid noqoto golayaasha caalamiga ah ee dawladuhu ku wada arinsadaan UN, AU. IWM.

¨ In Somaliland noqoto dal dimuqraadiya, dal dhaqalihiisu kobco oo ka horumara dhinaca aqoonta, caafimaadka iyo arimaha bulshada.

¨ In somalalinad noqoto dal uu hogaamiyo sharicigu, dimuqraadi ah, madaxdu ku timaado doorasho muwaadinintuna u siman yihiin xuquuqda dhinac wac walba.

Xisbiga kulmiye hogaankiisa, gudigiisa fulinta, golihiisa dhexe iyo taageerayaashiisuba waxay si aada uga baaraan dagaan shirarkooda iyagoo ku lafa guraya arimaha kor ku xusan, kadibna go’aamiyaan waqtiga ku haboon ee shirku qabsoomayo.   Waxa ilaahay mahadiiya in maanta xisbiga kulmiye isla qaatay mudayntii qabsoomida shirkii golaha dhexe.   Xisbiga kulmiye waxa uu dheer yahay xisbiyada kale, waa xisbi leh musdambeed arimuhu markay adakaadaan talo iyo tilmaamba ugu noqdo,  Aasaasihiii xisbiga oo hadda ah madax waynaha dalka  tilmaam tiisa iyo taladiisa ayuu kulmiye in badan kaga badbaadaa dhibaatooyinka soo wajaha.

Hadaba, markii aanu xisbi ahaan isla eegnay waqtiga ugu haboon ee shirku qabsoomi karo, waxaanu isla garanay in shirka golaha dhexe ee xisbigu qabsoomo 10 ka November 2015.  Sidaa darteed dhamaan golaha dhexe ee xisbiga waxaa laga codsanaynaa in ay u diyaar garoobaan shirka.”

Muuse Biixi iyo colkiisa

In shirka KULMIYE ee golaha dhexe la qabto ka hor inta aanu sannadkani dhammaan, waxa muddo dheer guclo iyo orod ugu jiray guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, waxaana ka horyimid xoogag kale oo iyaguna watay in shirka la qabto horaanta sannadka dambe ee 2016, waxaanay labada dhinacba raadinayeen kalsoonida Madaxweyne Siilaanyo oo aakhirkii go’aansaday in la qaato soo jeedinta Muuse Biixi Cabdi ee ah in shirka sannadkan la qabto. Marka ay sidaas tahayna dadka siyaasada lafo-guraa waxay qabaan in Muuse Biixi ka guulaystay garabkii kale ee ka soo horjeeday islamarkaana uu hadda u muuqdo nin wejiga hore marka la eego tirsaday kalsoonida Madaxweyne Siilaanyo.

Maxaa Isbedelay?

Isbedbedalka dhabar taabashadu awalba ma ahayn mid xasiloon oo meel keliya ku neg. Wuxuu u ekaa mid la midabaynaya hadba duruufta iyo saamaynta xaaladaha taagan, isla markaana la halbeeg ah kolba wax ka tarka caqabadaha. Sidaasay farxadda iyo cadhada labada dhinacna isu waydaaranaysay, hase ahaatee sinaansho ma jirin oo koox guddo joog ah oo tin iyo cidhib laamaha taladda ku taxan iyo duleed joog tugtugtoodu way kala duwanaanaysaa, wallow oo aanay kuwa kale laftooduba ku dugsi la,ayn gudaha.

afar
Hase yeeshee haatan, waxaad mooddaa in guuxani kala cod wayn yahay dhinaca Muuse Biixi kuwii hore. Madaxweyne Siilaanyo, madaxweyne ku xigeenkiisa Saylici, Gudoomiye Muuse Biixi iyo saaxiibadii ayaa wada fadhiyay oo kamaradda sawirku qabatay shalay, iyadoo aanay madaxweynaha agtiisa ka muuqan raggii garabkiisa taagnaan jiray.

Siday tibaaxeen xoggo  lagu kalsoonaan karo, waxa  dhacay kulan ay ka qayb galeen Muuse Biixi, Xirsi iyo xubno kale, kaasoo la rumaynayo in madaxtooyadu si cad ugu bayaamisay inay Gudoomiyaha xisbiga la safan tahay. Xoggahaasi waxay intaa ku dareen, in Wasiir Xirsi oo lagu tilmaamo nin badheedhihiisa la gaban uu jawaab diidmo ah ka bixiyay arrintaa.

Sidaa darteed wasiir Xirsi iyo kooxdoodu aanay raali ka ahayn qaybna ku lahayn wixii shalay lagu dhawaaqay, taasina ay ahayd sababta aanay uga muuqan madashii.

Xogaha qaar waxay tusmeeyeen in madaxweynuhu ku sheegay Gudoomiye Muuse Biixi murashaxa keliya ee xisbiga, halka qaar kalena ka tilmaameen, in lagu raacay muddaynta shirka iyo in lagu taageerayo murashaxnimadiisa,  balse aan murashaxnimada loo xidhin keligii. Si kastaba haloo macneeyee, waxa cad in ay jiraan wax labada kooxood qollana ka qosliyay, qollana didmo geliyay.

Gunaanad

Siyaasaddu ma laha saaxiib jooga ah ee waxay leedahay baa la yidhaahdaa dan joogta ah iyo aragti curinteedu la jaan qaado maslaxadda. Sidaa aawadeed, dadka siyaasadda falanqeeya, aadkana ula socda amuuraha Kulmiye, qaar badan oo ka mid ahi, waxay rumaysan intii madaxweyne Siilaanyo taladda hayay, inay dhaqan noqotay in markuu dibadda u baxayaba uu la sii balamo Muuse Biixi, si uu uga werwer la,aado xasarad legdanka la xidhiidha oo inta uu maqan yahay dhankiisa ka timaada.

Waxay  qabaan inay taasi siisay dhawr goor oo hore Gudoomiyaha farxad aan sii waarin, isla markaana aanay tan lafteedu ka duwanayn faqii iyo balamihii hore uga qosliyay ee cadhada ku dambeeyay. Qaar kalena waxay ku fasireen in farxaddani ka duwantay kuwii hore, talaabana hore loo qaaday, mar haddii uu ku guulaystay in laga aqbalo in shirka golaha dhexe la qabto intaanuu sanadkani dhamaanin, taasoo doonistiisa ahayd, halka kooxda ka soo horjeedda ay ka danaynayeen dib u sii dhigista shirka. Hase ahaatee, qofba dhan uu ka joogsadayba runtu way dambaysaa, waxse muuqata ilaa hadda, in Muuse Biixi muujiyay in kalsoonidiisu kor u soo kacday, lamase suurayn karo lugaha ay ku taagan tahay maanta inay ku sii taagnaan doonto. “Waxaan is leeyahay hirdankii dad majalayaasha iyo halgamayaashu maantuu bilow yahay.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka siyaasadda  lafagura.

Mid kale oo ka mid ah axadhayaasha ayaa isna aragtidiisa ku gaabiyay; “Maahmaah talyaani ah baa tidhaahda, boqol maalmood oo aad sida dacawadda u noollaato waxa dhaanta maalin aad sida libaaxa u noollaato.”

Dabar iyo seeto mid loo dayaba wuxuu qalinku ku khatimayaa qormaddan,  aan u toog hayno libdhada cusubi waxay soo wado.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed