Wejigii 1aad ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo ka soo dhamaatay Gobolka Saaxil,Hawd iyo Gebilay iyo Komiishanka oo Ka hadlay Meelaha ay Ka Soconayso Diiwaangelintu DAAWO
Berbera 20.March 2016 (SDN/QJ):- Xubno Ka Mid Ah Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland Oo Weheliyaan Masuuliyiinta Gobolka Saaxil Iyo Degmooyinka Gabiley Iyo Balligubadle ayaa ku dhawaaqay inay si habsami ah u dhamaatay wajigii koowaad ee diwaangalinta codbixiyeyaasha oo muddo toddobaad ah ka socotay goobahaasi.
Xubno ka socday guddida doorashooyinka qaranka oo kala ah komishaneer Maxamed Jamac iyo Komishineer Kaltuun Sheekh xasan oo ay weheliyaan masuuliyiinya heer gobol iyo degmo ayaa warbaahinta u cadeeyey inay si rasmi ah u soo dhamaatay wajigii koowaad ee diwaangalinta ee gobolka Saaxil iyo Degmooyinka Gabiley iyo Balligubadle.
Maxamed Jaamac oo ku hadlayey afka guddida doorashooyinka qaranka ayaa ugu horreyn Illaahay uga beryey inuu ka dul qaado abaaraha haysta waddanka unna shubo Raxmaad kheyr qaba.
Masuuliyiintii goobtaas ka hadlay oo dhamaan soo dhaweeyay sida wanaagsan ee ay ku soo dhamaatay wajigaas koowaad oo muddo toddobaad ah si dhameystiran uga socday goobihii loo asteeyay. Sidoo kale waxa ay masuuliyiintu uga mahad celiyeen shaqaalihii ka hawlgalay diiwaangalinta iyo intii ku gacansiisayba sida habsamida ah ee ay uga socotay hawshan baaxada leh.
Mahad naq iyo hoga tusaaleyn kadib waxa labada Komishaneer si cad ah ugu sheegeen bulshada sida wajiga labaad ee diiwaangalintu uga sii socon doonto gobolka iyo labada degmaba. Waxayna ku dhiiri galiyeen bulshadu in ay ka faa’iideystaan fursadaas qaalliga ah una soo baxaan is diiwaangalinta.
Gabagabadii waxa si diiran ugu mahadnaqay komishanka qaranka iyo shaqaalaha ka hawlgalayba maayarka Degmeda Berbera iyo Guddoomiyaha gobolka iyaga oo ku amaanay hannaanka wanaagsan ay hawsha u wadaan, sidoo kalena waxay ku tilmaameen komishan aqoon iyo kartiba u leh hawshan baaxada leh ee ay ummada u hayaan Illaahayna waxay uga baryay in uu ku guuleeyo hawshaasi ay hayaan. Allaa Mahad Leh